Saturday, July 22, 2017
Xadka Gogol dhaafka Sh Muxamed Shaakir Cali Xasan
Wednesday, July 12, 2017
Taariikhda maxaakiimta islaamiga soomaaliya
FARXADDII GUULDARRADA
Midawga Maxaakimta
&
La dagaalanka
Argagixisada
Guddoomiyihii ahlu-sunna wal-jamaaca
(Somaliya)
Sheekh Cabdirasaaq Yuusuf Aadan
ARAR
Shiikh Cabdirisaaq wuxuu safka hore kaga jiraa
culammada Ahlu sunna Wajamaacah ee sida gaarka ah isugu taxallujisay aqoonta
gaarka ahna u leh ururrada adeegsada magaca diinka iyagoo leh ujeeddooyin ka
dhan ah diinta.
Xaqiijinta arrintaas wuxuu shiikha ku bixiyey
saacadaha ugu badan waqtigiisa sida ay ka warqabaan inta badan culammada
Ahlu-sunna Wal-jamaacah ee Soomaaliya.
Taas waxay sababtay in billawgii 1995-tii
culammada Soomaaliyeed u doortaan hoggaamiyaha Ahlu-Sunna wal-Jamaaca ee
Soomaaliya; Waqtigaas oo aad u adkaa shiikhu:
·
Wuxuu magaalada Muqdisho ka sameeyey idaacad iyo wargeys ku
shaqeeya magaca Ahlu-sunna Wal-jamaaca.
·
wuxuu booqday inta badan magaalooyinka dalka iyo kuwa deriskaba,
si ay u kala faa’iidaystaan, una siyaarto Culammada iyo waxgaradka
Ahlu-Sunnada, xog ogaalna ugu noqdo xaqiiqada ka jirta geyigaas.
·
Wuxuu sameeyey safarro badan oo caalamka ah oo isugu jira kuwo
laghu casuumay isagoo ah guddoomiyaha Ahlu sunna ee Soomaalia, shiikh caadi ah,
kulanno diineed dawli ah iyo shaqsi ahba.
·
Wuxuu ku caan yahay ka qayb-qaadashada iyo abaabullidda dood
cilmiyeedyada diiniga ah ee idaacadaha, T.V-yada, wargaysyada iyo kulannada
kafool-kafoolka ah ee lagu horumarinayo laguna difaacayo diinta.
·
Sidoo kale, wuxuu shiikha safka hore kaga jiraa muxaadarooyinka,
siminaarada, tababarrada, wacyigelinta iyo kulan baxthiyeedka culammada Ahlu
sunna ee lagu horumarinayo barnaamijta Ahlu-sunna Wal-jamaaca.
·
Wuxuu qabtay,abaabulay,dhiirri geliyey, ka qayb qaatay
muxaadarooyin, siminaaro iyo tababarro laga hirgeliyey waddamada Afrikada Bari.
Mudada 20ka sano ka badan ee shiikhu jidkaas
dheer ku soo jirey wuxuu la kulmay labo xaalo oo kala duwan oo kala ah:
a.
Wuxuu shiikhu la kulmay caalimiin, cabqariyiin iyo aqoonyahanno dibadda iyo gudaha
ah kuwaasoo uu ka faa’iidaystey cilmi uu mahdiyey.
b.
Wuxuu kaloo la kulmay caga-juglayn, khatar kaga timid sokeeye iyo shisheeye; shaqsiyaad
iyo dawlado; Soomaali iyo ajanabi; arrintaan oo qudheeda wax ka tartay u
dhabar-adayga khidmada diinta.
Sidaas darteed, Sheekhu asagoo ka
faa’iidaysanaya fursadahan wuxuu arrimahaas ka qoray kitaabbo iyo risaalooyin
ku dhow labaatan; oo kuwa la daabacay ay ka midka yihiin:-
1.
Caddaynta Xaqqa & Nasiixada Xaqdoonka, Juska 1-aad, Tarriikhda Wahaabiyada.
2.
Caddaynta Xaqqa & Nasiixada Xaqdoonka, Juska 2-aad, Maxaa lagu gartaa Afkaarta
Wahaabiyada.
3.
Caddaynta Xaqqa & Nasiixada Xaqdoonka, Juska 3-aad, maxuu yahay xugumka
diinta Islaamka ee ku aadan bidcada.
4.
Soomaaliya & Ahlu sunna Wal-jamaacah.
5.
Xaqiiqada maxkamadaha.
6.
suufiyada iyo salafka suuban
7.
asmaa’un mukhtalifah wa ahdaafun mu’talifah.
Wuxuuna doortay inuu kusoo kordhiyo buuggan uu
ku magacaabay “Farxaddii Guul Darrada”.
Buuggan wuxuu ka hadlayaa dagaalkii ugu
wejiyada badnaa ee ka dhaca Soomaaliya, kaasoo magaalada Muqdisho ku dhex maray
laba isbahaysi oo isku kala magacaabay:-
Midawga
Maxaakimta Islaamiga!!! iyo Isbahaysiga la
dagaallanka Argagaxisada!!!
Waxaa ka muuqanaya buugtaan uu Shiikhu soo
bandhigey oo laga dheehan karaa marka si dhug leh loo akhriyo labo xaaladood:
·
In Shiikhu muddo usoo xereystey ama u soo qariibay la socodka,
baxthiga iyo xog-ogaal u noqoshada afkaarta, barnaamijta, tadawurka iyo tabaha
kooxahaan ku adeegta magaca diinta.
·
In gaar ahaan qormada buugaan “Farxaddii Guul Darrada” aanu
helin waqtigii ku fillaan lahaa in lagu faah-faahiyo mawduuca uu xambaarsan
yahay; waana wax la dareemi karo in duruufta hadda ka jirta dalka ay sidaas
kaliftey.
Waxaan guud ahaan rajaynayaa:
ü
In uu noqdo buuggii u horreeyey ee laga qoro dhacdadan.
ü
In uu marjic u noqdo aqoon-yahannada iyo baaxithiinta doonaya inay macluumaad
dheeraad ah ka helaan sababihii diyaariyey dagaalka iyo mirihii ka dhashay.In uu soo gudbiyo xogo iyo xaqaa’iq sabab u noqda fashalinta
shirqoollada iyo sama bixinta ummadda.
Waxaan ugu ducaynaynaa shiikha in Eebbe (SWT)
uu ajar iyo xasanaad ka siiyo dadaalka iyo dhiiriyada gaarka ah ee uu ka
muujiyey soo bandhigidda buugaan.
Wabillaahi Tawfiiq
Sh. Maxammed Cali
Xasan
HORDHAC
Dabcadda qormadaan ama buugaan waa mid runtii
si hordhac ah usoo baxday oo aan helin waqtigii uu u baahnaa in lagu soo
diyaariyo. Taas waxaa keenay iyadoo culama badan oo Ahlu sunna ah, oo weliba u
badan ahalka oo dagaalku u taabanayey si dheeraad ah, ay igu tir-tirsiiyeen
inaan wax ka qoro xaaladda ka jirta dalka ee mowduuca buugaani ku saabsan
yahay.
Culimada waxay doonayeen inaan xaqqa laga
aamusin iyo in soo bixitaanka buuggu wax ku kordhiyo fahamka iyo xalka xaaladda
haatan ka taagan dalka.
Maadaama mashaa’iikhdu culays isaareen, dhanka
kalena, aan awelba aad uga xumaa aamusnaanta culammada Ahlu sunna badankood
waxaan goostay inaan hore ugu socdo soo dedejinta dabcaddaan hordhaca ah; maxaa
yeeley, arrinta jirta oo xaqiiqadeeda la helo ama la ogaado waxay wax wayn ka
taraysaa xalkeeda.
Taas waxay sababtey inaan si hordhac ah u soo
saaro kitaabkaan si aan u tixgeliyo dowrka waqtiga iyo xaaladda; dhanka kale,
inaan sii wado tifatirka qoraalka si dabcaddaan hordhaca ah tan xigta uu
u soo baxo isagoo dabcaddiisu hufan tahay.
Wabillaahi Towfiiq
Sh. Cabdirisaaq Yuusuf Aaden
FARXADDII
GUULDARRADA
M/Maxaakimta & la Dagaallanka Argagaxisada
Dagaalladii ka billawday degaanka Dayniile ee
magaalada muqdisho 18/2/2006 wuxuu dhexmaray koox isku magacawday Isbahaysiga
La Dagaallanka Argagaxisada iyo koox kale oo isku magacaawday Midawga
Maxaakimta Islaamiga. Dagaalkan wuxuu aad uga bedelnaa dagaalladii sokeeye ee
muddada badan ka dhacayey Soomaaliya. Dagaalkan waxay dad badani u arkayeen in
looga adkaaday kooxihii isku magacaabay la dagaallanka argagaxisada, maadaama
midowga maxaakimtu ka qabsadeen goobo iyo degaanno ku jiray gacanta
isbahaysigaas.
Haddaba aan qeexno fursadihii suura geliyey in
maxkamaduhu!ku adkaadaan wejigii 1-aad ee dagaalka,si aan daah fur ugu samayno
aragti cilmiyeed bulsho, siyaaso, raadraac taariikheed iyo soo bandhigid sira
culculus oo laga daalacdo xaalka dagaalkan.
Fursadahaas oo kala haa:-
1. Magacii ay ku
dagaallamayeen iyo magacii ay la dagaallamayeen.
2. Ciidankii u
dagaalamayey iyo ciidankii ay la dagaallamayeen.
3. Nacaybkii loo
qabay hoggaamiya kooxeedyada.
4.
Dhaqaalahii wejiyada badnaa ee ay helayeen hawlwadeennada maxkamadaha.
5. Idaacadaha
iyo qaybaha Saxaafadda oo si gaar ah u gacansiinayey maxkamadaha!.
6. Aqoonyarida,
nuglaanshaha iyo wacyi gaabida shacabka, iyo hoggaamiyaasha iyo weliba xog
yarida culammada.
7. Khilaafka iyo
is aamin la’aanta hoggaamiyaasha.
8. Colaadda
qabiillada iyo dicaayadda aasaasayaasha maxkamadaha!.
9. Xeeladaha iyo
dhagarta ay adeegsadaan hoggaamiyaalka maxkamadaha!.
10. Dawladaha iyo hay’adaha danaha ka
leh Soomaaliya.
11. Taageerada habaysan iyo xiriirka fog
ee gaalada, siiba ka reer Galbeedku siiyaan horseedayaasha midawga
maxkamadaha!.
12. Sida xoogga badan ee ay uga faa’iidaysteen
soo bixitaanka Madaxweynihii Carta C/qaasim Salaad Xasan.
13. Sida aadka ah ee ay uga
faaiidaysteen soo bixitaanka Madaxweynaha Dawladda Fadaraalka C/llaahi Yuusuf
Axmed.
14. Sida xad dhaafka ah ee ay uga
faaiidaysteen beelaha qaarkood iyo sababihii keenay ka faaiidaysiga.
15. Natiijadii ka soo baxday fursadahan.
Arrimahan ayaa ugu muhiimsanaa fursadihii ay
ka faaiidaysteen ururkan isku magacaabay midawga maxaakiimta! islaamka, haddaba
si aqristuhu ula saan qaado qoraalka aan qodob qodob uga faalloonno fursadahan
aan soo sheegnay,aanna ku billawno:-
«
Fursadda 1-aad
Magacii Ay Ku Dagaallamayeen Labada Kooxood
Kooxda isbahaysiga waxay ku
dagaallamayeen magaca La Dagaallanka Argagixsada. Magacan wuxuu lahaa cillado
sabab u noqon kara in laga adkaado qofka aadeegsanaya.
Maxaa yeeley, sida dadka aqoonta leh waaci ka
yihiin marka magac loo bixinayo dawlad, shirikad, xisbi iwm, waxaa muhiim ah in
laga fiirsado magaca.
Waayo magaca wuxuu xambaarsan yahay ujeedada
waxa loo bixiyey.
Taas waxay keentaa marka magac lagu
dhawaaqo in si fudud dadku u gartaan hadafka. Waxaa cad in kooxdaan la magac
baxdey la dagaalanka argagixisada aaney ka fiirsan fariinta uu magacani gudbin
karo iyo hadafka ay leeyihiin.
Cilladda koowaad ee magacan waxay tahay iyadoo
inta badan laga maqlo dawladda maraykanka, taasoo marka magacan la sheego isla
markiiba waxaa muslimiinta ku soo dhaca dhibaatooyinkii loo gaystay muslimiin
badan oo dunida ku kala nool.
Saas awgeed, qof kasta oo laga maqlo magacan
ah la dagaallanka argagixisada waxaa fudud in looga faaiidaysto,dad badanna la
fahamsiiyo in kuwan sheeganaya la dagaalanka argagixisada u adeegayaan gaalada.
Wuxuuna runtii noqdey magacani mid ka mid ah
cilladihii guul-darrada u keenay isbahaysiga laga itaalka roonaaday.
Dhanka kale, maxkamaduhu waxay ku
dagaallamayeen magaca Midawga Maxaakimta Islaamiga,
waxay isticmaalayeen erayga Jihaad, waxay
sheeganayeen in dagaalku yahay kacdoon dadweyne oo lagu difaacayo diinta,dadka
iyo dalka; kacdoonkaas oo ay hoggaaminayaan culammaa;udiinka Soomaaliyeed!.
Sheegashadan caammada loo qurxiyey waxay ahayd
mid xaqiiqada ka fog, hase yeeshee u sahashay maxaakiimta! inay dad badan kusoo
jiitaan, kagana taageero bataan isbahaysigii ay la dagaallamayeen.
Waxaa xaqiiqa ah haddii lagala doodi lahaa
sheegashadan inay la kulmi lahaayeen guul darro degdeg ah. Waayo ciidankii
dagaallamayey ma ahayn maxkamad, iyo kacdoon shacab toona, qabiilooyin ka mid
ah qabiilooyinka soomaalida ayaa dagaallamayey, mana jirin wax culamma ah oo ku
jirey dagaalka iska daa inay hoggaaminayaane; difaac diinna haba sheegin,
bilcaksi wuxuu ahaa khatartii ugu ba’nayd ee soo food saartay diinta islaamka
iyo ahalkeeda, sida noogu caddaan doonta qoraalka.
Waxay ahayd in aanay sheegan magacyadaas
xeeladda ah ee ay la baxaan magaca runta ah ee ay lahaayeen, magacaas oo
ah Midowga wahaabiyada, waxaa
xaqiiqa ah in markaas aanay heleen shacab ku taageera dagaalka ay
galeen,waxaana hubaal ah in aanay haweysteen wax dagaal ah.
Sida la ogsoonyahay maxkamadaha! lagu dagaal galay
magacooda ma lahayn hub iyo ciidan wax lagu qabsan karo;Balse, waxaa dagaalka
wadey qabiilooyin la dhagray, shirkadaha wahaabiyada, ganacsatada dagaalka,
danley la siiyey ballanqaadyo kala duwan, calooshood u shaqaystayaal iyo
ciidankii Al-itixaadka wahaabiyada ee taagta darraa.
«
Fursadda 2-aad
Ciidankii u Dagaalamayey Labada Kooxood
Ciidanka isbahaysigu waxay ku dagaallamayeen
magaca la dagaallanka argagaxisada, annagoo soo xusney guul-darrada magacani
huwan yahay. Taa oo macnaheedu yahay in aaney ku dagaalamayn hadaf diineed,
siyaasadeed, beeleed iyo mid la mid ah.
Inta badan ciidankan wuxuu ahaa malleeshiyo
beeleedkii ciidanka u ahaa hoggaamiyaasha. Ciidankani xiisa badann uma qabin
inay u dagaallamaan hoggaamiyaasha, waayo muddo 15 sano ah ayey kusoo dhex
jireen dagaalladan natiijo laáanta ku dhammaaday. weliba magaca ay ku
dagaallamayeen waxay ka jeclaayeen inay ku dagaallamaan magaca qabiilka.
Intaas waxaa dheeraa ma jirin ballan qaad loo
sameeyey oo dhiirri geliya. Taas waxaa uga sii darraa in badan oo ka mid ah
mallayshiyadan waxaa saameeyey dacaayadii wahaabiyada maxaakimta, waxay
dareensanaayeen inay la dagaallamayaan diinta islaamka oo ay gaalnimo u
dagaallamayaan.
Ma jirin ciidan kale oo u imanayey ama ay
malaysanayeen. Intaas waxaa dheeraa maadaama ciidanka qab-qable kastaa yihiin
hal jufa waxaa dagaalka ku dhimanayey ama ku dhaawacmayey wiilal aad isugu dhow
xagga haybta,taas awgeed, waxaa xanuunka geerida laga dareemayey hal qoys.
Taas waxaa kasii darraa waxay malliishiyadu arkayeen
isbahaysigooda oo aan isu soo gurmanayn marka uu midkood dagaalku qabsado.
Dhammaan arrimahani waxay safka hore kaga
jireen raadka guul-darradii u soo hoyatey isbahaysigii la magac baxay la
dagaallanka argagaxisada.
Dhanka kale Ciidanka midowgu waxay ku
dagaallamayeen magaca farsamada badan ee midowga maxaakiimta! Islaamiga!.
Ciidanka u dagaallamayey iyo hubkiisuba waxay
ahaayeen hubkii iyo mallayshiyadii beelaha, waxay lamid ahaayeen ciidanka
isbahaysiga ay la dagaallamayeen haddii laga reebo hub aan badnayn oo ay
lahaayeen wahaabiyada al-itixaadku.
Sidoo kale, Ciidanka maxakimtu! waxay haysteen
ballan qaadyo waawayn oo muhiim ahaan lahaa haddii ay run yihiin.
waxaa loo sheegayey:inay yihiin ciidan islaami
ah! oo jihaad ku jira! haddii ay dhintaanna jannada gelaya!.
Inay u jihaadayaan sidii ay u dhalin
lahaayeen dawlad islaami ah! oo ay hoggaaaminayaan shakhsiyaad ay
jecel yihiin!.
Mallayshiyada aan waxaas aaminsanayn waxaa loo
sheegayey inay ka aarsanayaan beelo ama shaqsiyaad ay ciil u qabeen, qabiilkoodana
dagaalka ku gaarayaan horummar u gaar ah.
Intaas waxaa dheeraa iibsashada mallayshiyada
iyo ballanqaadka dhaqaale ee loo samaynayey; waxaa loo sheegayey inay la
dagaallamayaan mallayshiyo beeleed iyo hoggaamiyaal gaalo ah; sidaaas awgeed,
qof walba khayrkiisa iyo ajarkiisa uu la egyahay marba inta uu ka dilo ama ka
dhaawaco kuwa ka soo hor jeeda.
Waxay ku dhawaaqayeen Allaahu akbar, Jihaad
Jihaad iyo erayo kale.
Waxay arkayeen ciidan iyo gurmad uga kala
imaanaya dhammaan qaybaha dalka, waddammada deriska iyo weliba qaaradaha
caalamka.
Waxay dhegehoodu maqlayeen alalaas, hugun iyo
sawaxan taageera ah oo uga soo yeeraya idaacadaha gudaha iyo debedda; sida horn
afric, BBC, shabeelle, idaacadda quraanka!!! Iqra iyo kuwa kale oo sabab u
noqanayey taageero, bannaan baxyo, dhaqale is daba joog ah IWM.
«
Fursadda 3-aad
Nacaybka Hoggaamiya Kooxeedyada
Isbahaysiga Wahaabiyada ee la baxay midawga
maxaakimtu waxay ka faaiidaysteen nacaybkii loo qabay hogaamiya kooxeedyada;
kuwaas oo 16 sano isku masawiray guul darradii ka jirtay waddanka. Nacaybkaas
wuxuu isugu jirey:
1. Khalad
ay iyagu gaysteen.
2. colaad uga
imaanaysey kuwii ay uga adkaadeen qabqablannimada.
3. Dicaayadihii
uga imaanayey Al-itixaadka iyo isbahaysigooda ikhwaanka kuwaas oo u arkayey in
hoggaamiyaashu yihiin caqabadda ka hortaagan danaha ay ka leeyihiin dalka.
4. Dacaayadihii
uga imanayey dawladihii iyo hay’adihii ajnabiga ee la kala safanaa hoggaamiya
kooxeedyada, kuwaas oo si xadka ka baxsan u dicaayadaynayey marba qab-qablaha
ay ka soo horjeedaan.
5. Dicaayadihii
ururrada lagu magacaabay bulshada rayidka oo inta badan la kala safnaa qaybaha
aan soo sheegnay.
6. Hoggaamiye
kooxeedyada oo iyaga ruuxoodu gacan siiya dicaayadda iyo dagaalka loo gaysanayo
hoggaamiya kooxeedka kale.
7. Bulsha weynta
ay saamaysey dacaayadaha aan soo sheegnay oo qaybtooda ka qaata cambaaraynta
loo soo jeedinayo hoggaamiyaashan.
Dhammaan arrimahaas aan soo sheegnay waxay
kaalin mug leh ka qaateen jabkii loo gaystey isbahaysigii la magac baxay la
dagaallanka argagaxisada, wuxuuna fursad u noqday wahaabiyadii la baxday
midawga maxaakimta!.
«
Fursadda 4-aad
Dhaqaalaha
Dhaqaaluhu waa saldhigga ugu weyn fursadaha ay
ka faaiidaysteen qaybaha wahaabiyada ee Al-itixaadku hormuudka u yahay
siiba hawlgalkoodii la magac baxay midawga maxaakiimta islaamiga!!!.
Sidaas darteed, waxaa muhiim ah in aan wax yar
ka xusno habkii uu ku samaysmay dhaqaalaha wahaabiyada, sidii uu u shaqeeyey,
hawlihii lagu fuliyey iyo raadkii uu reebay.
Muddo ka badan 30 sano wahaabiyadu waxay
taageerada ugu weyn ee muuqata ka helayeen dalka Sacuudiga; laakiin ma taag
badnayn muddadii dawladdu ka jirtey waddanka sidey doonto ha ahaatee. Waxaa muhiim ah in la fahmo, wahaabiyadu kama jiri karaan magaca
islaamigana ma qaadan karaan waddan ay ka jirto aqoon fiican, caddaalad iyo
nidaam wanaagsan oo xaq ah.
Sidaas
awgeed, wahaabiyadu iyagoo aad u yar ayey haddana heli jireen fursado
waawayn waqtigii dawladdii 60-ka iyo tii millaterigaba; xataa waxay fursada
badan ka heli jireen dagaalkii ay wahaabiyada kula jirtey dawladdii
melleterigu.
Fursada 5-aad
Aqoonyarida.
midawga wahaabiyada iyo taageerayaashiisu
waxay si weyn uga faaiidaysteen aqoonyarida, iyo wacyi gaabida, shacabka iyo
hoggaamiyaasha iyo weliba xog yarida culammada; taas waxaan uga jeedaa bulshada
oo aan inta badan aqoon u lahayn diinta islaamka iyo culammada oo aan ka
dheregsanayn khatarta Wahaabiyada.
▼
Shacabka: Haddii shacabku aqoon u lahaan lahaa diinta kuma dheceen shirqool
ilaa heerkaas ah, maxaa yeeley jihaad loogama dhigeen daadinta dhiigga
muslimiinta; jihaad loogama dhigeen soo celinta dagaalladii
qabiilka iyo isnecbaysiinta iyo kala fogaynta ummadda.
Ma taageereen wahaabiyada
oo ah firqo takfiir ah, oo aaminsan gaalaysiinta muslimiinta.
Culama islaam ah isagama dhigeen koox
aan wax naxariis ah u hayn shacabka; koox ku shaqaysa danaha gaalada, laakiin
dadka aqoonta yar u sheegata horseedayaasha jihaadka iyo difaaca diinka.
Koox aaminsan laynta
culammada dariiqooyinka ahlu-sunna wal-jamaaca. Koox faraha ka bixisa
waddammada muslimiinta. Koox ay eedeen gaaladii asal ahaan soo samaysatay. Koox
caqiiddadoodu khilaafsan tahay kana soo hor jeeddo caqiiddada saxda ah ee
diinta islaamka.
Sida ka muuqata ummaddan,aqoon la’aanta diinta
waxaa u wehliya aqoon la’aanta qiyamka nolosha, cilmiga bulshada, iyo aqoon
kasta oo lagu xifdiyo laguna horumariyo ummadda, xataa inta yar ee wax soo
baratay, haddii aqoontoodu tayaysantahay uma aamineen masiirkooda siyaasadeed
wahaabiyada Al-itixaadka; taas oo ah camiiliin Takfiir ah iyo bidco waqtigoodii
dhammaaday.
Waxaan uga jeedaa dawladihii samaystay ayaa ku
qasban inay cirib tiraan, ka dib markii ay gabeen hawshii loo dirsaday, ayna
galeen mid aan loo dirsan.
Sida aad ka dheehan kartid kitaabka
“Taariikhda Wahaabiyada” wahaabiyadu waxay noqotey BAM ku qarxa Ingiriiskii
sameeyey iyo boqortooyadii Sacuudiga ee loo sameeyey.
Maxaa yeeley, waxay labada dalba maanta safka
hore kaga jiraan la dagaallanka cudurkii ay u abuureen aadanaha, cudurkaas oo
ka dhashay mabd’a wahaabiyada.
Waxaa muuqata in Maraykanku garawsaday
khaladka taageeradii uu u fidin jirey wahaabiyada mid toosa iyo mid dadbanba
inkastoo aan weli meesha ka saarayn in khalad weyn ka jiro arrimahaas.
Sida ay isku raacsan yihiin caqliga iyo
cilmiguba Wahaabiyadu waa koox fudud, xikma yar, fashal badan, xor ahayn,
lagana hago meelo kale oo dhunsan, sidaas darteed, waa fitno cid walba ka gasha
dakane aan loo meel deyin. Waa koox naxariis daran, ummadda neceb, waa
Tataar wax burburisa. Waa koox aan is aaminsanayn dhexdooda, oo kaliya
hishiis ku ah arrimo danaysi oo ku dhisan is khiyaanid.
Ereyadaas sare waxay u eg-yihiin kuwo ad-adag,
ha yeeshee in kooxdaan sidaas ku sifowdey waxaa marag kaaga filan adigoo
fiiriya waxa uu ku dambeeyey, ama ku sugan yahay dal kasta oo dunida ka mid ah
oo ay soo dhexgalaan.
Haddii shacabku ku baaraarugsanaan lahaa
waxaan waxa ay yihiin kooxdaan sida taariikhdooda, hadafkooda, raadka ay
reebeen, iyo caqiidadooda, ma suuragasheen in sidaan wax noqdaan.
Intaas oo dhan iyo in ka badan oo aynaan soo
koobi karin waxay ku tusinayaan baruurug yarida mujtamaca iyo sida ay ugu
dheceen cawaaqib xumo lama filaan ah
▼
Hoggaamiyaalka, markaan kasoo gudbo shacabka waxaa iyana sidoo kale wacyi yari ku
aadan kooxdaan ay haraysey hoggaamiyeyaasha.
Haddaan u soo gudubno hoggaamiyaasha, wayska caddahay wacyi yaridoodu,
ilaa heerkan lama gaarsiiyeen haddii ay baraarugsan yihiin.
Muddo ka badan 10-sano ayey
wahaabiyadu hoostooda kala baxayeen mujtamacii ay sheeganayeen hoggaankooda,
hoostooda ayey ka diyaarsadeen dhammaan ilihii ay ku burburin lahaayeen; waxay
ahaayeen dawlad ka dhisan dhulkii la aaminsanaa in hoggaamiyeyaalku ka
taliyaan. Dhanka kale, Hoggaamiyaashu waxay
sameeynayeen wax kasta oo dan u ah bidcada wahaabiyada, sida colaadaha, kala
fogaanshaha, wax qabad la’aanta, dhiirri gelinta burburka IWM.
Intan oo dhan waxaa uga sii daran oo la dhihi
karaa waa arrin argagax leh, sida ijmaaca ku ah diinta islaamka, habkii ay
wahaabiyadu u diyaariyeen maxkamadaha, habkii ay u hawl galeen iyo habkii ay u
adeegsadeen la dagaallanka hoggaamiyaalka oo ahaa hab looga baxayo diinta
islaamka oo gaalnimo ah, habkii hoggaamiyaashu u dhaqmi jireenna wuxuu ahaa hab
xun oo caasinnimo ah, laakiin aan gaalnimo ahayn.
Haddana iyadoo ay sidaas tahay wahaabiyadu
waxay ka faaiidaysteen aqoon la’aanta iyo wacyi la’aanta hoggaamiyaalka, waxay
ka daba yeeriyeen durbaan,iyo hugun dhahaya gaalada laayaay!, waa jihad!, yaa
janno raba! IWM.
Haddii
Hoggaamiyaalkan la kediyey xiriir wanaagsan la lahaan lahaayey culammada diinta
islaamka, haddii ay muujin lahaayeen ku xirnaanta diinta islaamka, haddii hanti
iyo taageeraba u huri lahaayeen cod baahinno iyo barnaamijyo lagu horumarinayo
hawlaha diinta, ma dhacdeen in bidco diinta ka baxday gaalo ku sheegaan iyagoo
muslim ah; wacyi yaridaasina waxay ka mid ahayd fursadihii ay ka
faaiidaysteen wahaabiyadii isku magacawday midawga maxaakimta.
▼
Culamada: Haddii aan usoo gudubno xog yarida inta badan culammada, marka horeba
waxaa tix gelin mudan suura galna tahay in loogu cudur daaro Culammada, waxay
ku dhex noolaayeen mujtamacaas ay halakaysey aqoon la’aanta diinka iyo wacyi
yaridu.
Taas waxaa u dheer danayn la’aanta waanada iyo
nasiixada culammada.
Waxaad arkaysaa in caamadii
qaarkood diin ka dhiganayaan rabitaankooda, taasina waxay keentay inay u dhega
nuglaadaan wahaabiyada oo dadka diin uga dhigta wax kastoo ay ku soo jiidan
karaan, xataa haddii diinta looga baxayo.
Mushaakilkaas ay ku dhex noolaayeen ka sakoow
waxaa culammada hayey xog yari, marka loo eego sida ay ula dhaqmayeen
Whaabiyada;
Inta badan culammada, gaar ahaan kuwa leh
taageerayaasha iyo xerta badan waxay ku qanacsanayeen tirada dadka raacsan.
Waxay u arkayeen wahaabiyada dad qalad iyo gef badan laakiin aan geysan Karin
wax saas u sii badan.
Waxyaalaha culammada marin habaabinayey waxaa
ka mid ahaa habka istiraatiijiyada ah ee ay isu qaybinayeen wahaabiyada oo ah
mid ay ku jirto khiyaano iyo munaafiqnima badan, waxay la baxayeen magacyo
badan sida Itixaad, ikhwaan, Tabliiq, islaax, majmac, dalladda culammada,
ictisaam, maxaakim, salafiya, Ansaar, IWM.
Waxaa xusuus lahayd kaalintii weyneed ee
Jamaacada Tabliiqa, majmaca iyo dalladdu ka qaateen dagaalka.
Kooxahan qaarkood waxay culammada u sheegayeen
inay lagama maarmaan tahay in la midoobo!, taasoo wahaabiyadu uga jeedin midoow
laakiin ay doonayeen inay culammada ka diyaarsadaan shirqoolkii ay ku
baabi’in lahaayeen, kuna wax yeellayn lahaayeen masiirkooda adduun iyo
aakhiro.
Haddii culammada loo sheego xaqiiqada
khataraha wahaabiyada waxay inta badan u arkayeen arrimo ka badbadis ah.
Haddii culamadu ku baraarugsanaan lahaayeen
khatarta wahaabiyada xaalku intan sooma gaareen.
Dhammaan baraarug yarida haysatey bulshada,
hoggaamiye-kooxeedyada iyo culammada waxay ka mid tahay fursadihii ay ka
faaiidaysteen wahaabiyada isku magacawday midawga maxaakiimta islaamiga.
La Soco Q.6aad
<span lang=”ES-MX” style=”font-size:
12.0pt; font-f
Fursadda 6aad
Khilaafka Hoggaamiyaasha
Fursadda kale ee ay ka faaiídaysteen midawga
wahaabiyadu waxay ahayd khilaafka iyo is aamin la’aanta aan xalka lahayn ee
muddada dheer u dhexeeysey hoggaamiyaalkan.
Wahaabiyadu gacan fiican ayey ka gaysteen kala
fogaanshaha hogaamiyaalka iyagoo ka faa’iidaysanaya wacyi yaridooda
hoggaamineed. Shir kasta oo ay ku hishiin waayaan wuxuu fursad u noqonayey
wahaabiyada.
Si ay uga gaaraan hadafkooda marba qayb ayey
la safanayeen, gaar ahaan kuwa markaas looga itaalka roonyahay qabqablanimada.
Markii ay dareemaan isu soo dhawaanshaha
hoggaamiyaasha waxay u muujinayeen taageero laqdabadu u dhammays tiran tahay.
Isla markaaba waxay si degdeg ah u
billaabayeen tillaabooyin ay ku jillaafaynayaan isu soo dhowaanshaha. Waxaan
tusaale ka dhigan karnaa hishiiskii loo yiqiiin Hishiiskii Qaahira.
Hishiiskan waxaa wada gaaray hoggaamiyaal
Soomaali ah oo ay hormuud u ahaayeen kuwii muqdisho. Hishiiskaan aad ayey uga
naxeen wahaabiyadu, waxay u arkeen in ay ka dhalan karto awood hoggaamin, gaar
ahaan gobolka banaadir.
Bishii 6-aad 1997 Meel kastoo ay Xamar ka
joogeen waxay taageereen hishiiskan, waxay hoggaamiyaashoodu idaacadaha iyo
wargaysyada ka baahiyeen oraahdoodii ahayd :
“waxaan taageersannahay geeddi socodka
nabadeed ee ay wadaan Xuseen Caydiid iyo Cali Mahdi, dadweynaha soomaaliyeedna
waa inay taageeraan guushaas”.
Taageeradaan oo kale waxaa soo wada saaray
Cornel Xasan Daahir Uweys oo ku saxiixay magaca ururka Al-Ictisaam oo lagu
beddelay magacii Al-itixaad iyo Yuusuf Cali Caynte oo ku saxiixay ururka
al-ikhwaanul-muslimuun.
Dhanka kale, waxay ka wadeen abaabulka sidii
ay afka ciidda ugu geli lahaayeen hishiiskan ay u tageereen habka
munaafaqnimada ah.
Sidaas awgeed waxay isla markiiba billaabeen
samaynta maxkamaddii ifka xalan ee lagu furayey magaca beesha Cayr, iyo
xoojinta maxkamaddii shirkole oo lagu furay magaca beesha Sulaymaan.
Waxaa
xusuus mudan, Mar kasta waxay samaynta maxkamadahan billaabaan marka ay
doonayaan inay carqaladeeyaan barnaamij noocaan oo kala ah. Sidoo kale waxay samaynayeen qalqal gelinta ammaanka iyo dhiirra
gelinta isbaarooyinka si ay ugu guulaystaan fashalinta hishiiska iyo in loo
baahdo maxkamadahooda.
Haddii culammada ama wax garadku sheegaan
khaladaadka habka loo diyaarinayo maxkamadahan diin ahaan iyo xag kastaba,
waxay wahaabiyadu ku dhawaaqayeen: waxay diidayaan horumarka qabiilkeenna!,
waxaa soo dirsaday reer hebel iyo erayo kale oo lagu kicinayo dadka
garashadoodu hoosayso.
Kicinta caadifaadda qabiilka ee
wahaabiyadu adeegsanayeen Waxaa fursadaha ugu badan siinayey khilaafka iyo kala
fogaanshaha hoggaamiyaasha waayo khilaafkoodu wuxuu door weyn ka qaadanayey sii
aamminsanaanta qabyaaladda iyo hishiis la’aanta ummadda.
Hoggaamiyaasha kooxuhu waxay ku fashalmeen
hishiisyo badan oo inta badan lagu qabtay dalka dibaddiisa, hishiisydan waxaa
ugu danbeeyey kii Embegathi ee dalka kenya.
Hishiiskan waxaa mooddaa inuu ka raja roon
yahay kuwii hore, waayo waxay hoggaamiyaashu ku soo dhisteen dawladda ku meel
gaarka ee Federaalka Soomaaliya.
In kastoo ilaa iyo hadda aanay ka muuqan
ka faaiidaysiga fursaddaas oo ay durbadiiba muujiyeen khilaaf dhexdooda
ah.
Markii dawladdan la dhisay Sidii caadada u
ahayd wahaabiyadu waxay boorka ka jafeen maxkamadihii ay awelba ku soo beegi
jireen marka ay dareemaan maamul lagu samayn karo awood dawladnimo.
Waxaa la ogsoonyahay in maxkamadaha
wahaabiyadu aanay wax macna ah lahayn markii lagu dhawaaqayey dawladda
fadaraalka Somalia.
Intaas waxaa u wehliyey mar kale ayey
wahaabiyadu heleen fursaddii ay ka faa’iidaysan jireen ee khilaafka
hoggaamiyaasha; waxaa markiiba is afgaran waa ka dhex dhashay hoggaamiyaashii
muqdisho oo wasiirrada ka noqday dawladii federaalka iyo madaxweynihii dawladda
C/llaahi Yuusuf Axmed.
Si ay u kala firdhiyaan sidii caadada u ahayd,
wahaabiyadu waxay soo dhoweeyeen xiriirna la sameeyeen wasiirradii gadoodsanaa
iyagoo adeegsanaya magaca qabiilka hawiye. Qaar ka mid ah hoggaamiyaalkan iyo
wahaabiyadu waxay horay u wada sameysteen ururkii ay ku magacaabeen Samata bixinta.
Arrintan waxaa la sheegaa inuu kaalin mug weyn
ku lahaa madaxweynihii dawladdii Carta C/qaasim Salaad xasan, oo dana badan ka
lahaa dibin-daabyaynta dawladdii fadaraalka iyo taageerada wahaabiyada
al-itixaadka.
Intaa kadib hoggaamiyaalkii kooxuhu waxay
horseed ka noqdeen isbahaysigii la magac baxay la dagaallanka argagaxisada,
waxayna la dagaallameen huwantii la baxday midawga maxaakimta.
Dagaalkaas waxaa ka ka muuqanayey
raadkii ka dhashay khilaafkii iyo is aamin la’aantii horay u halakeeyey
hoggaamiyaalka kooxaha. Ma jirin hal dagaal oo ay isula galeen si wada jir ah,
taas ayaana ka mid ahayd waxyaalaha lagu tiriyo guul darradii kala eridey iyo
fursadihii al-itixaadka iyo shababkooda.
Sidaas darteed, khilaafka iyo heshiis laáanta
hoghgaamiye kooxeedyadu ma ahayn oo kaliya caqabad ka mid ah heshiis la’aanta
Soomaaliya, balse waxay noqotey fursad ka mid ah sababihii looga adkadey.
«
Fursadda 7-aad
Colaadda qabiillada iyo dicaayada
wahaabiyada
Waxay midawga wahaabiyadu ka faaidaysteen
Colaadihii qabiilooyinka u dhexeeyey muddadii dagaallada sokeeye. Waxay soo
cusboonaysiiyeen colaadahaas waqti laga soo kabsanayo oo dadkii isu soo
dhowaadeen.
Waxaa xaqiiqa ah hogaamiyaalka dagaalka ee
al-itixaadka wahaabiyadu waxay geysteen danbiyo ka wayn kan hoggaamiya
kooxeedyada, laakiin waxay ka faaiidaysteen dadka oo aan waaci ahayn,
danaystayaal qariya danbiyadooda, fulayaal cabsada, iyo wahaabiyada oo aad u
dicaayad badan, kuna ganbata diinta.
Hoggaamiyaasha ooy aad u liidato xeeladoodu,
culammada wanaagsan oo aan haysan wax tas’hiilaad ah oo ay ummadda uga
badbaadiyaan wahaabiyada, saxaafadda oo aad ula safan wahaabiyada oo sababtay in
wahaabiyadu helaan fursado ay dad badan uga qariyaan danbiyadooda lagama soo
waaqsadaanka ah.
Hal kudhigyada ay dadka ku dagaal geliyeen
waxaa ka mid ahaa: “ma reer hebelkii iyo nimankii 16-ka sano idin hor taagnaa
ayaad maanta taageeraysiin, ama aad diidaysiin in lala jihaaado!! iyo
erayo kale”.
Qalinku wuu ka yaxyaxayaa inuu qoro xaqiiqada
habkii maxkamadaha! wahaabiyadu u isticmaalayeen adeegsiga qabiilka.
·
Qabiillada qaar waxay ku dagaal gelinayeen maanta ayaad hesheen
fursaddii aad uga aarsan lahaydeen reer hebel.
·
Qaar waxay ku lahaayeen ma waxaad doonaysaan in reer hebel
idinka aarsadaan, haddaadnaan maanta is difaacin.
·
Qaar waxay ku dhahayeen saw reer hebel ma aha kuwii hor istaagay
madaxweynihii qabiilkiinna.
·
Qaar kale waxay ku oranayeen sow reer hebel ma aha kuwa idin
haysta, maanta ka faaiidaysta dagaalkan si aad u xorowdaan.
·
Qaar waxay ku dhahayeen reer hebel waa kuwii idin laayey, waxna
idinkama siin dekedihii iyo garoommadii ay idinku dul samaysteen.
·
Qaar waxay ku dhahayeen weligiin waa laydin haystey, waxba
maadnaan ahayn maanta ka faaiidaysta maxkamadaha islaamka.
·
Qaar waxay ku dhahayeen maanta waa fursaddii aad ku degi
lahaydeen guryihiinnii laydinka bililiqaystay.
·
Qaar waxay u sheegayeen inay dan u tahay in la jebiyo awoodda reer
hebel, oo markaas iyagu soo baxayaan.
Intaas waa waxyaalaha loo sheegayey qabiilka,
waxaase ka badnaa waxyaalahii ay u sheegayeen ururrada, hay’adaha,
shaqsiyaadka, firqooyinka diinta!, ganacsatada, shaqaalaha, danlayda IWM.
Subxaanallaah!,aaway dadka
aqoon-yahamiintiisii, wax garadkiisii, siyaasiintiisii, saraakiishiisii,
gabdhihiisii, dhallinyaradiisii iyo dhammaan qaybihiisii xaqa loogu lahaa wax
tarka iyo garashada!!!.
Ugu yaraan maxaa loo weydiin waayey kuwa
hoggaaminaya dagaalka wahaabiyada ee la baxay midawga maxkamadaha :
·
Idinku yaad tihiin? Illayn cidna ma reebine.
·
Maxaa loogu sheegi waayey in intooda badani yihiin kuwii ku
taajiray hantida ummadda.
·
In bililaqadii hantida shacabku weli gacantooda ku jirto.
·
Inay safka hore kaga jireen dagaalladii qabiilka, burburka iyo
fitnada.
Waxaad yaabaysaa marka aad maqasho
masuuliyiin, barafasorro, saraakiil, iyo odayaal ammaanaya maxkamadahan!
Bidcada iyo wax qabadka wahaabiyada, iyagoo aad arkayso inay ku beegayaan
ammaantaas dano ay markaas leeyihiin, waxaad mooddaa inaanu wax dan ah ka
lahayn mustaqbalka.
Waxaad arkaysaa in aanu wax aqoon ah u
lahayn taariikhda iyo xaqiiqada cidda uu taageerayo.
Waxyaalahaas oo dhan waxay kaalintooda ka
qaateen fursadihii maxaakamadaha al-itixaadku uga faaiidaysteen dagaalkii la
magac baxay farxaddoodii guul darrada.
La Soco Q.7aad
Fursadda 8-aad
Adeegsiga xeeladaha dhagarta
Fursadaha ay ka faaiidaysteen ururka midowga
maxkamadaha waxaa ka mid ahaa sida argagaxa leh ee ay u adeegsadeen khiyaanooyinka,
taasoo aan laga malaysan karin dad diin sheeganaya.
Hoggaamiyaasha soomaalida iyo
taageerayaashoodu aqoon uma lahayn sida diinta islaamku uga digtay una
cadddaysay inay jiraan dhagar qabayaal ku ganbada diinta islaamka.
Aqoonyaridaas hoggaamiyaashu waxay keentay in
kuwa sida dhagrta ah u adeegsada diinku isugu kala qaybiyaan afar qaybood oo
kala ah:-
1.
Qayb la shaqaysa hoggaamiyaasha, oo isugu muujisa saaxiibka koowaad ee ugu
dhow, si ay ugu fududaato bixinta xogaha, ka fogaynta dadka wanaagsan, kala
furfurka iyo iska horkeenka taageerayaasha iyo burburinta wax kasta oo wax tar
u ah hoggaamiyaha.
2.
Qayb la shaqaysa hoggaamiyaha lakiin ay isku xunyihiin, si toosana uga hor
yimaada wax kasta oo muhiim u ah, iyagoo taageerayaasha ku qancinaya in
hoggaamiyuhu xunyahay, dariiqii ka weecday, ayna tahay in layska tuuro IWM.
labadan kooxood ee ka tirsan ururka ama
maamulka hoggaamiyaha marka hoggaamiyuhu tamar darreeyo ama wahaabiyadu xoog
yeelato waxay ku dhawaaqaan inay ka bexeen maamulkiisa, ayna ku biireen dadka
khayrka wada!! oo ay uga jeedaan Wahaabiyada.
3.
Qayb ku noqota mucaaradka ugu fog. Qaybtan waxay canbaareeyaan gaalo ku
sheegaan hoggaamiyaha iyo qof kasta oo la shaqaysa ama taageerta, waxayna
awooddooda isugu geeyaan weerarrada iyo dacaayadaha ka dhanka ah; waxay soo
jiitaan ama la midoobaan cid kasta oo kasoo horjeedda xataa hadday gaalo tahay.
4.
Qayb iska dhigta dhexdhexaad!, waana qaybta ugu xun, waxay u sheegaan hoggaamiyaha
inay dhexdhexaadinayaan isaga iyo wadaadada! ka soo horjeeda; waxay ka
faaiidaystaan meel kasta oo laga wareemi karo hoggaamiyaha iyo fursad kasta oo
looga faaiidayn karo wahaabiyada.
Afartan Qaybood waxay iska kaashadaan sidii ay
u guulaysan lahaayeen wahaabiyadu, waxay iska kaashadaan burburinta awoodda
hoggaamiyaasha; waana iska caddahay in hoggaamiyaasha Soomaalidu aanay lahayn
siyaasadd ay isaga badbaadin karaan dad ilaa heerkaas u diyaarsan khiyaanada,
iyagoo adeegsanaya magaca diinta islaamka.
Sida xaqiiqada ah, munaafaqnimada iyo
khiyaanadu waa hubka ugu culus ee ay adeegsadaan al-itixaadka wahaabiyada iyo
ikhwaankoodu. Waa farsamada ugu weyn ee ay isticmaalaan marka ay doonayaan inay
gaaraan danahooda bidcannimo.
Waxay ammaanaan qof kasta oo ay u arkaan in
dan ugu jirto ammaantiisa, noocuu doono ha ahaadee.
Waxay ammaanaan qof ay aad u neceb
yihiin khayr ama shar midduu doono ha lahaadeee,waxayna u ammaanayaan inay ka
diyaarsadaan sidii uu gacan uga gaysan lahaa burburintiisa iyo halaajinta
awooddiisa ama jiritaankiisaba.
Aan wax yar ka tilmaanno khiyaanooyinka ay
kula dhaqmaan ciddii dani ka gasho:-
Qoraal ay u direen dawladdii sal-ballaar ee
Xuseen Caydiid madaxweynaha ka ahaa iyagoo muujinaya inay dawladdaas taageersan
yihiin, waxay u qornayd sidan:
Muqdisho
24- 8- 96
ku: Wasiirka Arrimaha Gudaha ee
J. Soomaaliya
ku: Wasiirka Arrimaha Diinta
& Awqaafta J.Soomaaliya
og: Madaxwaynaha
Jamhuuriyadda Soomaaliya
og: Golaha Hoggaaminta
Qaranka ee J. Soomaaliya
Ujeeddo: Codsi oggolaansho shir culamaa’udiin Soomaliyeed.
Waxaan codsanaynaa in naloo oggolaado in aan
qabanno shirka kor ku xusan, kaas oo ah mid daba yaal Baaqii Madaxwaynihii hore allaha u naxariistee Gen Maxamed Farax
Caydiid ee ahaa:-
Culamadu ha midoobaan, hana keenaan qaabkii
loogu dhaqmi lahaa shariicada islaamka, shirkaasoo ujeedadiisu tahay in la
mideeyo aragtida culamada Soomaaliyeed, si ay uga qayb qataan dhismaha
waddanka.
Waxan ka rajeyneynaa madaxda sharafta
leh ee warqaddani ku socoto in ay naga oggolaadaan gacanna nagu
siiyaan qabashada shirka kor ku xusan.
Guddoomiyaha guddiga qaban qaabada shirka
culamada Soomaaliyeed
Sh.
Cumar-Faaruq Cabdi Suldaan Xaaji Maxamed.
1/10/1416 oo ku beegan bishii 2-aad sannadkii
1993 wakiilkii wahaabiyada kismaayo C/raxmaan Maxamed Jibriil wuxuu yiri :
“Moorgan
waa amiirkii mu’miniinta haddii uu maanta joogi lahaana isaga ayaa salaadda na
tujin lahaa oo imaam noo noqon lahaa”
21/8/1996 waxaa aniga xafiiskayga yimi qaar ka
mid ah hogaamiyaalka wahaabiyada al-itixaadka iyo ikhwaanul-muslimiinka oo kala
ahaa:
Cumar faaruuq Sh. Cabdi Suldaan
Cornel Xasan Daahir Uways
Jabriil Afrax Ayaanle iyo Yuusuf Cali Caynte
oo wakiil ka ahaa Sh. Maxammed Macallin.
Waxay iisoo gudbiyeen farriin ay iga
codsanayaan in aan ka mid noqdo xubnaha ugu muhiimsan shirkooda.
Sidoo kale waxay ii soo gudbiyeen qoraal
gaaban oo uu ku saxiixnaa sheekha wahaabiyada Soomaaliya cumar Faaruq, wuxuuna u qornaa sidan:
بسم الله الرحمن الرحيم
ألي رئيس أهل السنة والجماعة الشيخ عبد الرزاق يوسف آدم
السلام عليكم ورحمة الله وبركاته .
بعد تحية الأسلام نحيطكم علما بأن لجنة إعداد مؤتمر علماء الصومال
موضوع مجيئنا ألي مكتبكم الموقر, هو جمع كلمة علماء الصومال.
والله ولي التوفيق .
تقديم من اللجنة التحضيرية بمؤتمر علماء الصومال
التوقيع: رئيس لجنة التحضير الشيخ عمر فاروق شيخ عبد سلطان
7- 4-
1417هـ الموافق 21- 8- 1996
Ujeedadoodu ma ahayn inay mideeyaan culimada
ama ay itixgelinayaan ama ay ahlu sunna waljamaacah khayr u wadaan, waxayse
ahayd inay helaan kalsoonida dariiqooyinka, mudarrisiinta iyo taageerayaalka
ahlu-sunna wal-jamaaca.
Annagoo ka faaiidaysanayna aqoonta aan u
leenahay ula jeedooyinka wahaabiyada waan fashalinnay shirkaan iyo isku dayo
aad u fara badan oo wahaabiyadu ku diyaarsanayeen danahooda al-itixaadnimo.
Waxaa
faham iyo xusuus mudan, Haddii aad aragto wahaabiyo ku tixgelinaysa, kula
tashanaysa, kula midoobaysa, kula hishiinaysa ama ku ammaanaysa waxaa ku yar
awooddii ay kugu muquunin lahaayeen, waxayna kaa diyaarsanayaan sidii ay awood
ugu heli lahaayeen burburintaada.
Marka aad dhuuxdo hab dhaqanka wahaabiyada
waxaa kuu caddaanaya in mabad’a ama fikriga wahabiyadu ku xoogaysan karo waddan
ay ku nool yihiin mujtamac ama shacab uu aad u hooseeyo wacyigooda diineed,
siyaasadeed iyo bulsho, kuma sii jirto haddii waddankaas ka jirto dagaallo,
gaajo, jahli IWM.
Dhagarahoodu ma ahan intaan oo kaliyah.
Matallan marka ay doonayaan inay maxkamad aasaasaan waxay marka hore ku
tallaabsanayaan muáamarado cirka ku shareera nabadgelyada.
Markey dadku isla dhawaaqaan ayey yiraahdaan
saw ma aragtaan in loo baahan yahay maxkamad nabadgelyada sugta.
Sidaas awgeed xeeladda iyo dhagartu waxay ka
mid ahaayeen fursadihii maxkamadaha! midawga wahaabiyadu uga faaiidaysteen
dagaalkii uu kala taageerayey ajnabigu.
Fursadda 10-aad
Sheegashda difaaca culammada iyo amniga
Waxay maxkamadleydu! uga faaiidaysteen
hoggaamiya kooxeedyada, inay uga dacaayad badiyeen shacabka.
waxay ku eedeeyeen in ay masuul ka yihiin
ammaan la’aanta jirta, laysma weydiin kaalinta wahaabiyada iyo ganacsatadoodu
ku leeyihiin dawlad la’aanta sababtay ammaan la’aanta.
Tan labaad waxay hoggaamiyaashan fashalmay ku
eedeeyeen inay Maraykanka u safriyaan niman culamma ah.
Waxaad maqlaysaa dadka laga dhaadhacsiiyey
arrintan oo dhahaya ma waxaan lagu jihaadayn dad culammada u safrinaya askarta
Maraykanka?,.
Culammada oo dhan haddii la weydiiyey waa la
waayey hal sheeekh oo loo gacan geliyey askarta Mareykanka, waxaa lagu yiri:-
haddii uu jiro noo sheega hal qof si aan uga
marqaati kacno?, Noo sheega magacyada sheekhyada la dhoofiyey?.
Intaas waxaa dheer, waxaa marag ma doonta ah
in wahaabiyadu yihiin dadka ugu been abuurka badan banu adamka inta la ogyahay.
Sheegashadoodu haddii ay run tahay waxay ka
buunbuunin lahaayeen idaacadaha oo ah kuwa u heelloon taageeradooda.
Waa suura gal in ay jiraan askar Wahaabiya ah
oo la afduubay sida iyaguba dadka u afduubaan, iyada ruuxooda aad ayey u
buunbuunin lahaayeen.
Laakiin
su’aasha xiisaha mudan waxay tahay haddii lagu jihaadayo oo uu gaal yahay
qofkii qof muslim ah gaalo u safriya ama ka soo iibsada maxaa loogu jihaadi
waayey madaxda midawga maxkamadaha ee lagu hubo arrintan?.
Waxaan la dafiri karin in hawl wadeeenna
ka mid ah saraakiisha ugu sarraysa maxkamadda Ifka xalan ay afduubteen niman muslimiin ah,
nimankaas waxay gacanta u geliyeen askarta dalka Itoobiya oo dagaal kala
dhexeeyey.
Gaariga lagu afduubtay muslimiintan waxaa iska
lahaa nin ka mid ah taageerayaasha maxkamadaha oo la dhashay ninkii waqtigaas
guddoomiyaha u ahaa midawga maxaakimta!!!.
Cornel Xasan Daahir Uweys oo maxkamadda
Ifka xalan madax ka ahaa wuxuu sheegay inuu wax ka ogaa arrinta waxashnimada ah
sida noogu iman doonta wareysigan uu siiyey BBC-da.
Galab khamiis ah 17-10-1419h, oo ku beegan
04-02-99-ka waxay Idaacadda BBC-da qaybteeda afka Soomaaligu arrintaas ka
waraysatay Xasan Daahir Uways, oo ahaa madaxa maxkamadda Ifka xalan; waxaana
hadalladii uu afkiisa ka qirtay ka mid ahaa:-
·
In gaariga lagu afduubay saddex-da nin ee Oromada ah uu ka mid
yahay Baabuurta ka hawl gasha maxkamadda uu madaxda ka yahay ee Ifka Xalan.
·
In ninka dadka afduubay uu ka tirsanyahay ciidanka maxkamadda ka
howlgala.
·
In ninka nimanka afduubtay uu gacanta ugeliyey dawladda
Itoobiya.
Markii la waydiiyay sida Xasan Daahir Uways ku
ogaaday in nimanka Itoobiya gacanta loo geliyey wuxuu ku jawaabay: “Ninka
nimanka afduubay wuxuu markii hore aaday kilinka shanaad, markuu soo laabtayna
wuxuu ii sheegay in loo soo diray inuu fuliyo arrimo siyaasadeed, laakiin
middaan afduubka ah lama
ogayn”!!!!.
ka warrama haddii danbigaas cid kale samayn
lahayd ilaa heerkee la buun buunin lahaa?.
Tan labaad haddi lagu jihaadayo ciddii afduub
lagu soo eedeeyo maxaa loogu jihaadi waayey wahaabiyada maadaama sida la
ogyahay iyaga lagu eedaynayey danbiya kuwaas ka weyn, oo ah inay ka danbeeyeen
saraakiishii iyo dadkii sida gaadmada ah loogu dilay magaalada Muqdisho, iyadoo
la ogyahay in dadkaas ay isugu jireen kuwo ka hor yimi afkaarta maxkamadaha!
wahaabiyada iyo dad ay ku eedeeyeen inay u shaqeeyaan gaalada, dawladda
c/llaahi yuusuf iyo arrimo kale.
Weliba sida laga arkayey Wahabiyada iyo
taageerayaashooda waxaa ka soo baxayey muuqaallo iyo erayo lagu xaqiiqsan karo
inay ka danbeeyeen falalkaas dilka ah.
Intaas waxaa dheer in qaar ka mid ah isla
wahaabiyada ruuxeeda ay wahabiyada al-itixaadka ee hormuudka u ah maxkamadaha ku
eedeeyeen inay dadka ku laayaan Igtiyaal (asesenechin) oo ah in dadka loo dilo
si qarsoodi ah.
Caddayntan waxay dhacday maalin jimca ah
06-05-1419H oo ku beegan 28-08-19998M, waxaa Magaalada muqdisho ka bilaabatay
dood iyo raddin aad u kulul oo dhex martay madaxda wahaabiyada la kala yiraahdo
magacaabay Al-Ictisaam/Al-itixaad iyo Salafiya-Jadiidah-.
Dhinaca Al-itixaadka waxaa u doodayey:-
1.
Xassan Daahir Uways
2.
Maxamuud Qasse (Abuu-sheeybah!).
3.
iyo C/raxmaan Jiniqoow.
Garabka kale waxaa u doodayey
1.
Xassan Xabeeb
2.
Cumar Shiino, iyo
3.
C/llaahi Xaashi
Qaybta danbe ee isku magacawday Salafiya waxay
kooxda Xasan Daahir ee Al-itixaadka ku eedeeyeen:- In ay dadka shirqool ku
dilaan iyo arrimo kale oo khatar ah.
Haddaba:-
·
Saw ma cadda in midawga
maxaakimta wahaabiyadu ka faaiidaysteen xog la aaanta iyo wacyi yarida ummadda?
aaway waxgaradkii, siyaasiintii, aqoonyahamiintii, saraakiishii, garan karay
shirqoollada iyo mu’aamaradaha magacay doonaan ha ku ganbadeene.
·
Saw ma muuqato in
waddanku dayacanyahay?
·
Meeday Sheegashda difaaca culammada iyo amniga.
«
Fursadda 11-aad
Taageerada Gaalada
Fasalkan waxaan ku daraasaynaynaa xiriiirka
fog iyo taageerada qotada dheer ee ka dhexeeysa gaalada iyo wahaabiyada. Waxaan
caddaynta arrintaan marqaati uga dhigaynaa taariikhda iyo waaqica, si loo
ogaado sida ay u kala fog tahay wahaabiyada iyo waxa ay sheegtaan ee ah gaalo
la dirirka.
Taas waxaan uga gol leennahay, waxaad ogtihiin
inay dadka ugu yeeraan dagaal lagu qaado muslimiinta, iyagoo dhahaya:
·
waa cadawga Tawxiidka.
·
kuma dhaqmaan kitaabka Alle iyo sunnada nabiga CSWS.
·
ha la laayo ciddii xiriir la yeelata gaalada.
·
madaxda dawladaha muslimiintu waa calmaaniyiin gaalo ah.
·
waa gaal qofkii aan la dagaalin dawlad kasta oo wax ku
xukunta calmaaniyadda.
iyo hadallada la midka ah ee lagu
diyaariyo jabhaddaha wahaabiyada.
Kooxdan asal ahaan waxay ka soo jeedaan
Maxammed Cabdul-wahaab oo geeriyoodey dhammaadkii qarnigii 18-aad ee
miilaadiga.
Maxammed cabdul-wahaab iyo boqortooyada uu
aasaasay ee Sacuudigu weligood ma gelin dagaal gaalo, Sida ku cad kitaabbada
ugu caansan taariikhdooda, sida:- Taariikhu najdi, Siiratu- maxammad ibnu
c/wahaab, Cunwaanul-majdi iwm.
Bal
maxammed c/wahaab iyo taagerayaashiisa wahaabiyadu waxay ahaayeeen taageerada
gaalada, gaar ahaan reer yurub.
Waxay gaalada ka taageeri jireen kala
furfurka, fitnada, khilaafka, iyo wiiqitaanka muslimiinta iyo jebinta dawladdii
Islaamka.
Si ay uga farxiyaan gaalada ugana nixiyaan
muslimiinta M/ed c/wahaab iyo wahaabiyadiisu waxay laayeen boqollaal kun oo
muslimiin ah, waxayna gumaadkaas ku magacaabeen Jihaad!!!.
Maxamed C/Wahaab wuxuu ku dhawaaqay inay gaalo
yihiin dhammaan muslimiinta aan qaadan fikraddiisa. Wuxuu ku baaqay jihaad!
lagu qaado dhammaan muslimiintii diiday inay u hoggaansamaan amiirrada
Sacuudiga oo uu ku magacaabay madaxdii Tawxiidka!. Waxay si gaara u layn jireen
Asharaafta, Culammada iyo madaxdii dawladdii islaamka ee cusmaaniyadda.
Dhanka kale, waxaa wahaabiyada taageero culus
u fidinayey gaaladii reer yurub oo markaas dagaal ba’an kula jirtey dawladdii
islaamka ee cusmaaniyadda.
Taageeradaas waxay ku dhammaatay in Ingiriisku
wahaabiyada gacanta u geliyo Jasiiradda carabta; waxaa gacanta loo geliyey
degaankii Rasuulka (CSW) oo ay ku jiraan Maka iyo Madiina.
Arrintan waxaan ku fahfaahiyey buugga
Caddaynta xaqa iyo nasiixada xaq doonka juskiisa 1-aad ee TAARIIKHDA
WAHAABIYADA. Si ay u noqoto xaqiiqo iyo maarqaati cad oo aanay inkiri karin,
waxaan kasoo diyaariyey kitaabbada wahaabiyada ee qoraya xiriirradaas ka
dhexeeyey gaalada iyo wahaabiyada, sida:
·
Siiratu muxammed ibnu c/wahaab, amiin saciid.
·
Sh. M/ed C/Wahaab Caqiidatuhu-Salafiya axmad Aala bawdaami, tasxiix BinBaas
·
Khaliijul-Carab,Amiin Saciid.
·
Shibhul-jasiirah, Joon Felebi.
·
Al-Malik Cabdil-Casiis Aala Sacuud Ummatun Fii Rajul,Cabdullaahi
ibnu Cabdil-muxsin Al-turki aala Sacuud,
·
Taariikhu Muluuku Aala Sacuud, Amiir Sacuud Binu Hadluul.
·
Taariikhul-Mamlakatul-Carabiyatu-Sacuudiyah, C/Llaahi Saalax
Al-Cusaymiin
·
Tawxiidul-Mamlakatil Carabiyati-Sacuudiyah Dr M/Ed C/Llaahi
Al-Salmaan,
·
Al-Wajiis Fii Siiratil Malik Cabdil-Casiis, Khayrudiin
A-sirikli,
·
Taariikhu Dawlatil-Islaamiyah Wasaaratul-Macaarif
Limamlakatil-Carabiyati-Sacuudiyah,
·
Al-Mamlakatu-Sacuudiyah Fii Cahdil Malik Cabdil-Casiis, Joon
Felebi
·
Taariikhu-Njdil-Xadiisah, Amiin Rayxaan.
·
Macaariku Malik C/Casiis, Dr C/llaahi Salax Al-Cusaymiin.
·
Taariikhul-Mamlikatil-Carabuyati-Sacuudiyah, fasalka 3-aad
dugsiyada dhexe, dabcadiisii 13-aad, manhajka sanadii 1992.
·
Muxammad c/wahaab muslixun madluumun wamuftaran calayhi, Abuu
mascuud al-Nadawi.
·
Al-Islaam fil qarni taasic cashar, tarjamadii Dr Nabiih Amiiin
& Muniir Baclabaki.
·
Ibnu Sacuud siyaasatuhu, xuruubuhu, tarjumadii Musdaf
al-Xafnaawi.
·
Taariikhul-carabil-caam,tarjumadii Caadil Zucaytar.
Sidaas awgeed, gaaladu ammaan xaqiiqada ka fog
ayey ku ammaaneen Maxammed C/wahaab iyo Wahaabiyadiisa, sida ay soo xiganayaan
kitaabbada wahaabiyada ee kor ku qoran siiba Siiratu maxammed C/wahaab,
kitaabul-muslix,sh. M/ed C/wahaab Caqiidatuhu-salafiyah iwm. waxaana gaaladaas
wax ka qortey wahaabiyada ka mid ahaa:
§
Mustashriqa wayn! ee reer Al-Maani Karel Boro Kalmaan, kitaabkaaiisa la
yiraahdo Taariikhul Sucuudi Al–Islaamiya juskiisa afaraad.
§
Aqoonyahanka! faransiiska ah ee la yiraahdo Barnawiit Luwis kitaabkiisa la
yiraahdo Al-Carab Fi Taariikh.
§
Hogaamiyaha sare! ee mustashriqiinta kitaabkiisa la yiraahdo Al-Caqiida Wal
Shariica.
§
Mustashriqa reer Faransa ee la yiraahdo Seediyow kitaabkisa Taariikhul Carabil
Caam.
§
Mustashriqa Ingiriiska ah ee la yiraahdo Jiib kitaabkiisa Al-Muxamadiya.
§
Kooxda mustashriqiinta ah ee alliftay kitaabka la yiraahdo Al-Islaam Fii
Nadaril Qarbi.
§
Shirkaddii islaamka caayi jirtku ay, diintana beddeli jirtay, gaalnimadana
faafin jirtay ee loo yaqiin Daa’iratul Macaarifil-Biridaaniyah.
§
Ameerikaanka la yiraahdo Dr. Low Seruuk Setoo Dared kitaabkiisa la yiraahdo
Xadaaratul Caalamil- Islaami.
Haddaba, wahaabiyada isku magacawday midawga
maxaakimta islaamiga haddii ay gaalo ku sheegayaan ciddii gaalada la yeelata is
kaashi ama xiriir saw xaq kuma aha inay gaalo ku sheegaan sheekhooda
maxammed c/wahaab, Sacuudigiisa iyo guud ahaan wahaabiyada oo dhan maadaama ay
kitaabbadooda ku cad-deeyeen taageerada iyo xiriirka wax wada qabsi ee ka dhexeeya
gaalada iyo iyaga.
Weliba waxaa laga dheregsanyahay in ingiriiska
oo hormuud u ahaa reer galbeedka iyo sahyuuniyadda ay u samaysteen wahaabiyada
sidii ay u burburin lahaayeen muslimiinta iyagoo ku ganbanaya magaca diinta
Islaamka.
Sidaas awgeed, haddaan qaadanno xukunkii ay
jihaadka ku sheegteen maxkamadaha! Muqdisho sow waajib maaha in lagu jihaado
wahaabiyada ay iyagu ka midka yihiin meel kastoo ay joogaan?.
Alla yaa siyaasiinteenna, culamadeenna iyo
aqoonyahamiinteenna bara taariikhda wahaabiyada, si ay ummadda uga badbaadiyaan
shirqoolladan laayaanka ah.
Websit-ka wahaabiyada www.sahab.net wuxuu
soo xigtay iftaha sheekhyada wahaabiyada oo caddaynaya in Usaama Binlaadin
yahay Bidci khawarij ah oo argagaxisa ah.
Bin Baaz oo u hadlaya hay’adda ugu sarreysa
wahaabiyada adduunka ee uu madaxda ka ahaa wuxuu yiri: “Usaama arlada ayuu
fasaadiyaa, wuxuu ku dadaalaa dariiqa sharta, wuxuuna ka baxay daacadii waliyul
amriga ( boqor fahad). Sidaas waxaa qoray Majallada Al-Muslimuun iyo
Sharqul-Awsad tariikh da 9-kii jamaadul awal 1417 .
Sheekha wahaabiyada Axmad Najmi wuxuu yiri:
Usama iyo Daalibaan waa Bidcadii uu Nabiga CSWS yiri “Lacnaddii Ilaahay ha ku
dhacdo qofkii bidcada xiriiriya.
Muqbil ibnul-haadi Al-Waadici oo ka mid
ah garabyada ugu waawayn wahabiyawda adduunka wuxuu yiri : Ilaahay hortiis
ayaan beri uga ahay Binlaadin, wuxuuna ummadda ku yahay shu’mi iyo
balaayo. Shaqadiisuna waa shar. sidaas waxaa qortay Jariidada Ra’yul Caaam ee
Kuweyt cadadkeedii 11503.
Majallada Al-Buxuuthul Islaamiyah
cadadkeedii 50-aad waxay qoratay Bin Baz oo mar kale iftooday in Usaama iyo
kooxdiisu yihiin shar iyo fasaad weyn, ayna waajib thay in la cirib gooyo
lagana digo qoraalladooda iyo oraalladooda. Sidaas oo kale waxaa faasidnimada Usaama
iftooday saalax aala sheekh iyo hogaaamiyasha wahaabiyada. 18/11/2001
Haddaba, haddii ay yihiin gaalo lagu jihaadayo
ciddii isku magacawda la dagaallanka argagaxisada:
·
Maxay Wahaabiyadu gaalo ugu sheegi waayeen sheekhyadooda
Sacuudiga?, sida BIN BAAZ, Cusaymiin, Saalax Fawsaan, C/casiis aala sheekh, iyo
kuwa la midka ah oo sida la wada ogyahay iftoodey (jawaabay) in Usaama bin
laadin iyo kuwa raacsani yihiin khawaarij argagixiso ah? Oo ay waajib tahay in
lala dagaallamo.
·
Nimankaas jawaabay la dagaallanka argagixisada waa sheekhyadii
madaxda maxkamadaha!.
·
waa nimanka maal geliya, waa kuwa ay muxaadarooyinkooda ku
ammaanaan kuna sheegaan inay yihiin sheekhyada tawxiidka!.
·
taas awgeed waxaa gar loogu leeyahay maxkamadleyda! in la
weydiiyo maxaad u dhihi waydeen halagu jihaado sheekhyadiinnaas sheegtay la
dagaallanka argagixisada.
·
Dhanka kale maxay wahaabiyada maxkamaduhu gaal ugu sheegi
waayeen Usaama markii uu gaalo ku sheegay sheekhyadooda aan soo sheegnay ee
sacuudiga?.
·
Haddaba aan mar kale weydiinno
maxkamadaha wahaabiyada ma Usaama ayaad raacsantihiin oo waxaa gaalo ah
shiikhyadiinna sida usama qabo? Mise,sheekhyadiinna ayaad raacsan tihiin oo
Usaama iyo taageerayaashiisu waa argagixiso khawaarij ah? Mise labadaba weysku
tihiin maadaama aad dhaqaale uga baahan tihiin?.
·
Maxayse diintu ka qabtaa
dad diin sheeganaya oo dhaqankooduna sidaas yahay?
·
Yaa yaqaan meel loo raaco
wahaabiyada?.
·
ka warrama kuwa u aaminay
diinkooda iyo masiirkooda?.
·
aan hoos usoo
daadegnee, Haddii Maxakadaha riddadu ku jihaadayaan qofkii gaal la xariira, maxay ugu
jihaadi waayeen madaxda midawga maxkamadaha oo uu ka mid yahay Xasan Daahir
Uways kuwaasoo idaacadaha iyo wargaysyada adduunka laga maqlayey codsiga iyo
xiriirrada ay la sameeynayeen Maraykanka?
·
Mise waxay ka codsanayeen maraykanka siduu wax ugu xukumi lahaa
kitaabka alle!! ?.
·
Maxay u ammaaneen uguna mahad celiyeen madaxweynaha kenya iyo
wasiirkiisa dibadda markay uga hiilliyeen hoggaamiya kooxeedyadii dagaalku kala
dhexeeyey ?.
·
Maxay maraykanka ugu direen warqadaha ay ku caddaynayeen in
aanay doonayn inay dhaliyaan dawlad islaami ah?.
·
Maxaa wiilasha loogu dagaal geliyey in la dhisayo dawlad islaami
ah! Haddii arrinku sidaas yahay?
·
Saw dad badan uma aydnaan layn inay diideen sida aad
sheegteen in laysku xukumo kitabka Alle iyo in la helo dawlad islaami ah!?.
·
Haddii hoggaamiyaashii Soomaalida ahaa aad ugu jihaadeen inay
gaalo yihiin, madaxa Maraykanka Talyaaniga, eretereya iyo Kenya ma
islaamiyaa!!!.
·
Kulankii Xasan Daahir iyo Safiirka Talyaanigu muxuu ku
saabsanaa? Ma waxay ka wada hadlayeen sidii dalka loogu xukumi lahaa shariicada
Islaamka?!!
·
Maadaama waxaad doontaan
dadka u sheegtaan idiinna marto, ma is tiraahdeen waad nasiib badan
tihiin, haddiiba aad hesheen ummad aad khaldi kartaan ilaa heerkaas?.
Dhaqankan ma aha mid ku eg wahaabiyada
soomaaliya iyo maxkamadohooda waa mid ay uleeyihiin asal iyo taariikh laga soo
billabo maxamad cabdul wahaabkii lagu aasaasay ilaa iyo waqtigan aan hadda
joogno.
Mathalan Sheekhyadooda ugu waawayn wahaabiyada
adduunku waxay soo saareen bayaan ay ku taageerayaan dagaalkii Maraykanka iyo
xulafadiisu ku qaadeen dalka Ciraaq 1991-dii oo ku beegan 22-kii bishii
1-aad 1411H.
Bayaankan ay wahaabiyadu ku taageerayeen
maraykanka, yahuudda iyo xulafadooda waxay Sidii caadada u ahayd ku sheegeen “
in ay waajib tahay! in Maraykanka iyo xulafadiisa lagu taageero dagaalka
ay ku qaadeen Ciraaq” waxayna sheegeen inay ku ayidayaan waliyul amriga
oo ay uga jeedaan Boqor Fahadkii Sacuudiga!.
Weliba
Waxay iftoodeen in taageeradaasi waajib tahay, waxayna sidii lagu yiqiin
sheegeen in taageeradaas gaalada ay u daliishadeen Qawaacidda shariicada
islaamka iyo Adillooyinkeeda!!!.
Intaas waxay raaciyeen in waliyul amriga ay
waajib ku tahay inuu kaalmaysto xulafada reer galbeedka ee Maraykanku
hoggaaminayo!!!.
Waxaana bayaankan saxiixay hogamiyaasha
wahaabiyada oo kala ah:-
1.
Cabdullaahi khayaad
2.
Cabdilcasiis bin Baas
3.
Cabdil-casiis bin Saalix
4.
Cabdu-rasaaq Cafiifi aala-sheekh
5.
Muxammad bin Ibraahim bin Jubayr
6.
Sulaymaan Cubayd
7.
Saalax bin Cali bin Gasuun
8.
Cabdul-majiid Xasan
9.
Raashid bin Khunayn
10. Cabdullaahi bin Sulaymaanul Maniic
11. Saalax ibnu Maxammad
Allaxiidaan
12. Cabdillaahi bin Cabdi raxmaan
Al- gadyaan
13. Saalax bin Fawsaan Al-fawsaan
14. Muxammad bin Saalax
Al-cusaymiin
15. Cabdullaahi bin Cabdu-raxmaan
Al-bisaam
16. Xasan bin Jacfar al-cutami.
Arrintu markay sidaas tahay, saw la isma
waydiin karo suáalahaan;
Fursadda 12-aad
Dawladaha ama Hay’adaha Danaha ka leh
Soomaaliya
Wahaabiyada iyo ganacsatadooda dhiig miiratadu
waxay ka faa’iidaysateen dawladaha iyo hay’adihii danaha ka lahaa Soomaaliya.
Fursaddaas ay ka faaíidaysteen waxaan ka xusi karnaa laba qaybood:
§
Waa tan koowaade, dawladaas ama hay’adahaas waxay taageerayeen inaan waddanka
dawlad ka dhalan, waxay fashalinayeen isku day kasta oo hishiis ama nidaam ka
iman karo; taas oo fursad baaxad weyn u noqonaysey wahaabiyada al-itixaadka,
xag dhaqaale, siyaasad, ciidan, bulsho iyo xag kastaba.
§
Waa tan labaade, waxaa dawladaha, hay’adaha, iyo shakhsiyaadka taageera
wahaabiyada u suurtoobaayey in iyagoo ka faaiidaysanaya dawlad la’aanta ay
wahaabiyadooda u taageeraan si ka baxsan nidaamka iyo sharciga, waxayna ku
gacan siiyeen inay si khaldan uga faaiidaystaan kaalimihii iyo hay’adihii
dawladda IWM.
§
Dawladaha deriska waxaa ku yaal saldhigya aad u dhibaato badan, oo laga
taageero qaarado kale. Saldhigyadaasi, waxay ka mid yihiin xarumaha wahaabiyadu
uga soo duusho Soomaaliya, waxayna ku taamaan inay Soomaaliya ka dhigtaan
saldhigga ugu muhiimsan caalamka.
§
Waxay Fursad ka dhigtaan colaadda muddada dheer u dhexeysey Soomaalida iyo
Itoobiya, oo ay uga faaiidaystaan wejiya kala duwan oo aan dan u ahayn labada
dhinac midna.
§
Waxay ka faaiidaystaan dalka keenya oo dhaqan ahaan maamulkiisa lagu sheego mid
leh fursada badan oo ay ka faaiidaysan karaan, sidaas darteed, Kenya waa
saldhigga ugu muhiimsan ee wahaabiyadu sanada badan ku lahaayeen Geeska Afrika.
§
Dalka jabbuuti waxay sanadahan danbe wahaabiyadu u arkayeen meel ay isku halayn
karaan, waxayna uga faaiiadysteen:
1)
Qaybta sahanka wahaabiyada ee tabliiqa oo dalka Jabuuti si wayn uga hir gashay.
2)
Dalka oo aad uga hooseeya dhinaca aqoonta iyo barashada diinta islaamka, kuna
yar yihiin culammada aqoonta u leh raddiga bidcada, iyo
3)
Arrima kale oo xasaasiya, hubinna u baahan.
Sidaas awgeed dhammaan fursadihii aan soo
sheegnay ma heleen midawga wahaabiyadu haddii aanay ka faaiidaysan qaladkan ay
galeen dawladaha iyo hay’adaha danaha kaleh Soomaaliya.
«
Fursadda 13-aad
soo bixitaankii C/Qaasim Salaad Xasan
C/qaasim wuxuu ka mid ahaa fursadihii midawga
wahaaabiyadu ka faaiidaysteen, wuxuuna ku jirey wasiirradii ugu caansanaa
dawladdii hantiwadaagga, waqtiyadii danbe ee wasiirrnimadiisana wuxuu u
janjeersaday dhinaca wahaabiyada.
Xiriirkii C/qaasim iyo wahaabiyadu wuxuu sii
xoogeystey muddadii ay iska kaashanayeen fashilinta hoggaamiyaashii xukunka ka
riday dawladdii uu ka ahaa wasiirka arrimha gudaha.
C/qaasim waxay rajadiisii siyaasaddeed soo
laabatay kadib dhimashadii General Caydiid, isagoo ka faaiidaysanaya
fursaddaasna wuxuu sameeyey dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed oo aad ugu tiirsan
wahaabiyada ( Ikhwaanul-muslimiinka iyo Al-itixaadka).
Intaas waxaa u dheeraa xiriirkii uu la lahaa
siyaasiintii, ganacsatadii, iyo odayaashii ay iska kaashan jireen maja xaabinta
hoggaamiyaashii ka dhex muuqday awoodda dalka.
Wuxuu ka mid ahaa aasaasayaashii maxkamadaha
wahaabiyada; taasoo ahayd runtii mid sii kordhisey xiriirkii ka dhexeeyey
C/qaasim iyo Wahaabiyada.
C/qaasim iyo Maxaakimta waxay si mug leh isaga
kaashadeen shirkii Carta ee C/qaasim loogu soo doortay xilka madaxweynanimada.
Sidaas awgeed, qaybaha wahaabiyadu awoodda
ayey isugu geeyeen taageerada dawladdaas, waxaana xilka u dhaariyey sheekha
wahaabiyada Soomaaliya Cumar faaruq oo isaga qudhiisu xildhibaan ka noqday
dawladda C/qaasim.
Xilal aad u badan ayey wahaabiyadu ka qaateen
dawladdaas, gaar ahaan madaxdii maxkamadaha waxaa la siiyey xilal isugu jira
xildhibaanno iyo qaadiyaal aan ku dhisnayn shariicada islaamka.
Waxay kala direen maxkamadihii ay ku
magacaabeen ku dhaqanka shariicada islaamka!!.
Wahaabiyadu
waxay halkaas ku qaateen maamul calmaani ah, horeyna waxay dadka ugu sheegi
jireen dhiig badanna u daadiyeen inuu gaal yahay qofkii wax ku dhaqa
calmaaniyada iyo xukun aan kitaabka Alle ahayn.
Intaas kuma ekaysan taageerada, waxay ku
hadlayeen guulwadayn iyo kacaannimo aan horey loo arag.
Arrimahan oo dhan waxay ku tusayaan in
wahaabiyadu gaalnima ku sheegaan wax kasta oo aanay ka arag dantooda gaarka ah,
laakiin waa islaami marka ay ka helaan rabitaankooda!!!.
Sheekha wahaabiyada Cumar Faaruq wuxuu ku
sheegay imaatankii C.Qaasim muqdisho yimi inuu la mid yahay markii Nabi
muxammad CSW Maka furtay!! Cumar Faaruq wuxuu hadalkan yiri isagoo ka hadlaya
garoonka ciyaaraha (stadiom muqdisho) soo dhoweyntii C.qaasim markii ugu
horreysey ee uu soo qaatay xilka madaxweyninimadii fashalantay.
Madaxa wahaabiyadii luuq Maxammed Xaaji oo ka
hadlayey goobtii lagu diyaarinayey Wahaabiyada isku magacawday Dalladda culammada wuxuu yiri: annagu waxaan aaminsannahay in madaxweyne C/qaasim uu yahay
Amiirul-muuminiin, uulul amri ah, ayna tahay in la adeeco!!.
C/Qaasim wuxuu diyaariyey kulan bidco oo si
been abuur ah loogu magacaabay Dalladda Culammada.
Wuxuu muftiga dalka u diyaariyey Sharif Cabdi
Nuur oo ah wahaabi ku caasiyoobay sheekhyadiisii cilmiga soo baray ee Suufiyada
ahaa.
Wuxuu diyaariyey odayaal, ganacsato iyo
idaacadley taageerta siyaasadda wahaabiyada, iyo barnaamijyo badan oo uu ku
taageerayo kooxdiisa wahaabiyada.
Dhanka kale, taageeradan xad dhaafka ah ee
wahaabiyada wuxuu C/qaasim ku waayey taageeradii madaxda Dariiqooyinka
Suufiyada iyo Mudarrisiin-tooda Ahlu-Sunna Wal-Jamaaca iyo taageerayaashoodii
faraha badnaa.
C/Qaasim wuxuu rajadiisii madaxweynanimada ku
baabi’iyey taageerada wahaabiyada oo ah kuwo dakana weyn ka galay ummadda
islaamka iyo culamadooda iyo xataa dawladihii diyaariyey ee gaalada ahaa.
Intaas waxaa u raacay cillado xaggiisa ah iyo
diidma adag oo kaga timi siyaasiintii uu horey u naafeeyey hoggaamintooda.
Dhammaan raadadkii ka dhashay arrimahan
C/Qaasim maleegay waxay ka mid ahaayeen fursadihii ugu muhiimsanaa ee ay
dagaalka uga faaiidaysteen wahaabiyada la baxday midawga maxaakimta
GABA GABO
Doorka & Aragtida culammaa’udiinka
Sababta aan gabagabada qoraalkan ugu doortay ciwaankan
wayska caddahay, waa tan koowaade waxaan ka hadlaynaa kooxo sheeganaya
dhaqdhaqaaq islaami ah; kooxo si diinta ka fog u adeegsada magaca diinta
islaamka; kooxo wax kastoo ay burburiyaan ugu yeera magacyada quruxda badan ee
diinta xataa haddii diinta looga baxayo.
Waa tan labaade, madaxda, siyaasiyiinta,
aqoonyahamiinta iyo wax garadka isu diyaariya hoggaaminta dalka mid fiican iyo
mid xunba awood uma laha inay dalka iyo dadka ka difaacaan shirqoolkan ku
ganbada magaca diinka; kii isku daya inuu difaacana ma garanayo wadiiqada ugu
habboon ee loo maro.
Bal waxaaba imaan kara in isagii loo arko nin
la dagaallamaya diinta Islaamka, bidcadiina loo arko niman difaacaya diinta
islaamka.
Dhibaatadaas waxaa sababay madaxda oo aan wax
xiriir iyo iskaashi ah la lahayn culammada xaqa ah ee aqoonta wanaagsan u leh
diinta Islaamka. Sidaas darteed, si looga badbaado shirqoolladaas waxaa lagama
maarmaan ah in la fahmo:-
·
Doorkii culammadu ku lahaan jireen hurummarka iyo badbaadada
ummadda iyo kan hadda kaga aaddan.
·
Aragtida culammaa’udiinka ee ku aaddan sida looga samata bixi
karo khatarta dalku ku suganyahay.
Haddaba si arrimahaas loo xaqiijiyo, aan
faallo kooban ka bixinno taarikhda iyo doorka culammada Islaamka ee Soomaaliya.
Sida ay ka war qabaan inta aqoonta u leh taariikhda geyigan, dalka Soomaaliya
waa waddan diinta Islaamka ku leh taariikh & xadaarad fac weyn.
Waa wadankii ugu horreeyey ee diinta Islaamku
soo gaartay (615M) 5 (shan) sano oo keliya markii laga joogay soo bixitaankii
Rasuulka (CSWS), waqtigaas oo ku beegnaa 8 sano ka hor hijradii Rasuulka (CSWS)
ee Madiina.
Hijrooyinkii karaamada badnaa ee diintu ku soo
gaartay dalkeena waxaa kala hogaaminayey Sayid Cusmaan Ibnu Cafaan & Jacfar
Ibnu Abii daalib (RCM).
Rabbi (SWT) ayey mahadi u sugnaataye ilaa xilligaas
marna wax hakad ihi ma gelin faafitaanka diinta Islaamka, ilaa ay soo baxeen
culama Soomaaliyeed oo door weyn ka qaadatay barashada & fidinta diinta
Islaamka oo gaaray heer iyaga looga soo xareysto caalamka Islaamka.
Waxey qoreen culumadaas Soomaalida ihi kutub
caan ah oo leh fanni kasta oo culuumta Islaamka ah, waxay culammadaasi isugu
jiraeen:-
Qurraa’, Mufasiriin, Xufaad, Fuqa’ha,
Mu’arikhiin, Luqwiyiin & qeybo kale, waxaana ka xusi karnaa:-
·
Al-iimaam Fakhrudiin Al-Saylaci oo ahaa sheekhii Xaafidu Seylaci
oo allifay kitaabka weyn ee la yiraa Tabyiinul-xaqaa’iq oo
ah sharaxa kitaabka weyn ee Kansu-daqaa’iq.
·
Al-Xaafidu Seylaci oo qoray Kitaabo badan oo loo cuskado diinta
Islaamka, sida Nasbu-rayah fi takhriiji
axaadiis il- hidaayah.
·
Imaamu Shamsu-diin Al-Maqdashi oo ka mid ahaa culumadii ugu
caansaneyd qarnigii 8-aad ee Hijriyada.
·
Imaam Max’uud Ibnu Cali Ibnu Abiikar Al-maqdashi oo ahaa Iimaam
reer Muqdisho ah; waxaana xufaadii uu sheekh u ahaa ka mid ahaa: Al-Xaafidu
Dahabi & amiirkii mu’miniinta ee Axaadista ee Al-Xaafid Ibnu Xajar
Al-Casqalaani oo ahaa Imaamkii allifay sharaxa ugu weyn Saxiixul-Bukhaariga
ee Fatxul- Baari.
Imaam-yaalka waaweyn ee Islaamka ee ka sii
faa’ideysatey mashaa’ikhdan Soomaaliyeed iyo kuwa ka qaatay cilmiga waxaa kale
oo ka mid ahaa:-
·
Al-Xaafidul Ciraaqi, shaykhul-islaam.
·
Al-Xaafidul Ceyni.
·
Al-Xaafidul Busayri.
·
Al-Xaafidul Casqalaani, shaykhul-islaam.
·
Al- Xaafidul Haythami.
·
Al-Xaafidu-Sakhaawi,
·
Xaafidu- Siyuudi, Sheykhul Islaam
·
Al-Xaafid Sakariyal-ansaari, shaykhul-islaam.
·
Al-xaafidul-Jasari, shaykhul-slaam.
·
Al-Xaafidul-qasdalaani, shaarixu S/Bukhaari
·
Imaam Ibnu Xajar Al-Haytami,
·
Imaamu Ramali, Saaxibu nihaaya,
·
Imaam Khadiibu- Sharbini, iyo
·
Imaamyo kale oo aan halkan lagu soo koobi karin.
Culammada Soomaaliya waxaa intaas u dheeraa
kaalintii shariifka ahayd ee ay kaga jireen difaaca diinta, dadka iyo dalka oo
ay hogaaminayeen mashaa’ikhda Suufiyada ee
Ahlu-Sunna wal-Jamaaca . sida:-
·
Sheekh Cumar Walasmac.
·
Sheekh Sacdudiin Al-Saylici.
·
Imaam Axmed Gurey.
·
Amiir Nuur.
·
Sayid Max’ed Cabdulle.
·
Sheekh Muxammad Khaliif.
·
Sh. C/qaadir Sh. Sakhaawa-diin,
·
Sheekh Uweys.
·
Sheekh Xasan Barsane.
·
Sheekh Bashiir, &
·
Mashaa’ikh kale.
Waxaa taariikhda ku cad oo aan marag u
baahnayn, in muddadii mashaa’ikhda
Soomaaliyeed ee Suufiyada ahaa hoggaaminayeen dalka aan marna la hanan taako ka
mid ah dhulka Soomaaliyeed, lana gaaleysiin hal qof oo muslim ah.
Dadaalka dheer ee culumada Soomaaliyeed wuxuu
sababay in Soomaaliya yeelato midnimo dhan kasta ah. waayo:
Mad’hab ahaan waa Shaaficiya, caqiido
ahaana waa Ahlu Sunna Wal-Jamaaca oo ku abtirsada Abu Xasan Al-Ashcari &
Abuu Mansuur Al-Maa’turiidi, kuna mideysan dariiqada suufiyada oo dhammaantood
ku abtirsada iimaamyada Salafu Saalix.
Waqtigan aan joogno culammada Soomaaliyeed ee suufiyadu
waa kuwa dadka bara diinta islaamka, waxay aqriyaan:
Tafsiirka, Qiraa’aadka iyo dhammaan culuumta
Qura’aanka kariimka.
Axaadiista Rasuulka CSWS, Musdalaxa iyo
dhammaan culuumta axadiista.
Caqiidada, Fiqhiga, Usuulul-fiqhiga, Siirada,
iyo Aalada (dhammaan fanniyada carabiyada).
Ilaa iyo hadda ma jiro qof kitaab aqrin
kara oo aanay Suufiyadu cilmiga soo barin, xataa kuwa fara ku tiriska ah ee
wadaadada u ah wahaabiyada waxaa wax soo baray culammada suufiyada.
Arrintaas waa marag ma doonto.
Tan kale, culammada suufiyadu waa
aqoonyahamiinta difaaca caqiddada suuban ee ahlu-sunna wal-jamaaca.
Intaas waxaa u dheer waxay ka shaqeeyaan
hishiisiinta iyo is jecleysiinta ummadda walaalaha ah.
Guul weyn ayeyna ka gaaraan meelaha aanay ka
jirin fara gelinta iyo shirqoollada dibadda laga maleego, meelahaas ruuxooda
wax badan ayey ka badbaadiyaan.
Waa dhaxalkii anbiyada, waa khaliifyadii
Awliyada Ilaahay, Muslimiinta ma laayaan si ay ku helaan xukun, dhaqaale, jago
iwm.
Dalka ma burburiyaan mana u adeegaan cadawga
diinta, dadka iyo dalka.
Diinta ma beddelaan, ma gataan, mana caasiyaan
sheekhyadooda, ma caayaan mana weeraraan taariikhda ummaddooda, diinta way
aamminsan yihiin ee kuma gabbadaan.
Sidaas darteed, culammada, madaxda iyo
dhammaan wax garadka Soomaaliyeed waxaa lagama maarmaan u ah:
1.
In ay iska kaashadaan soo noolaynta iyo xoojinta doorkii culammaa’udiinka si ay
kaalin mug leh uga qaataan bad’baadada ummaddan muslimka ah.
2.
In la horumariyo ku dhaqanka shariicada islaamka sida saxda ah ee ku
dhisan badbaadada, naxariista, wada noolaanshaha wanaagsan,iyo horummarka
ummadda adduun iyo aakhiro,si looga guulaysto kuwa sida beenta ah ee naxariis
darrada ah u isticmaala magaca diinka.
3.
In muddnaan weyn la siiyo taageerada sidii dawladnimada cagaha loogu taagi
lahaa, si loo gaaro fursad dadku ku dooran karaan cidda ay ku kalsoon yihiin.
4.
In la sameeyo ila dhaqaale, ganacsi iyo barnaamijyo nololeed oo ka heer
sarreeya kuwa bidcada, si looga samata baxo khatarta hantidooda.
5.
In la horumariyo barnaamijta culammada wanaagsan si ay ummadda uga badbaadiyaan
shirqoolka kuwa sida gurracan u adegsada magaca diinka, iyadoo aanay jirin cid
kaga fog diinta islaamka.
6.
In dhamaan qaybaha bulshadu iska kaashadaan sidii ummaddan looga saari lahaa
adeegsiga qabyaaladda oo ah birta lagu qalo shacabkeenna walaalaha ah.
7.
In la sameeyo ilo wax barasho tayo badan, si ummadda looga saaro jahliga dhaawacay
jiritaankooda, loogana badbaadiyo manhajka dilaaga ah ee iskuullada wahaabiyada
iyo cadawga.
8.
In madaxda iyo aqoonyahamiintu ka digtoonaadaan ka fogaanshaha culammada
wanaagsan ee aqoonta u leh diinta iyo barnaamijta lagu difaacayo laguna
horumarinayo ummadda.
9.
In xiriir wax tar leh lala sameeyo dawladaha iyo hay’adaha gacanta wanaagsan ka
gaysan kara horummarka dalka.
10.
In lala xisaabtamo dawladaha iyo hay’adaha gacanta ka geystey burburka iyo
xasillooni darrida dalka.
11.
In la sameeyo idaacado iy warbaahinno qayb libaax ka qaata wacyi gelinta iyo
samata bixinta ummadda.
12.
In la kun jibbaaro hishiisiinta midaynta iyo is jeclaynta ummadda.
Allaha nagu galladaysto Iimaan, naxarriiis,
sharaf iyo barwaaqo.
Wa
billaahi tawfiiq.
Sh. C/Rasaaq Yuusuf Aadan.
Subscribe to:
Posts (Atom)