Tuesday, May 2, 2017

Taariikh-dii Madoobeyd ee Sh.Muxamad Ibnu Cabdul-Wahaab . Aasaasaha fikrada Wahaab

--------------------------------------------------------------------------
بسم الله الرحمن الرحيم * الحمد لله رب العالمين .
(1)WAA KUMA MUXAMAD.IBNU C/WAHAAB

Muxammad Ibnu Cabdul-Wahaab Ibnu Suleymaan Al-Tamiimi wuxuu ku dhashay magaalada Cuyeynah oo ah meel ku dhow magaalada Riyaad ee caasimada dalkaasi Sacuudi Carabiya taariikhdu markii ay ahayd 1115-tii Hijriyada sida ku qoran (CUNWAANUL MAJDI FII TAARIIKHI NAJDI) iyo kutubta kale ee Wahaabiyada.
Balse kitaab-ka la yiraahdo ( Al-Durarul- Saniyah Fil- Raddi Calal Wahaabiyah ) oo uu qoray Caalimkii weynaa ee la oran jiray Sheekh Axmad Ibnul Sayid Zeynii Daxlaani ayaa waxaa ku taala in uu dhashay taariikhdu markii ay ku beegneyd 1111-dii hijriyada wuxuuna noolaaday cumri dheer ilaa uu ka gaaray 92 sano ugu dambeyn-na wuxuu ku dhintay isla magaalada Cuyeynah sanadku markuu ahaa 1206-dii hijriyada waxaana dhimashadiisii iminka laga joogaa 232 sano oo kaliya.
Muxamad wuxuu ka dhashay qabiilka Ree banii Tamiim oo ah qabiil ay ka dhasheen rag badan oo khatar galiyay diinta Islaamka sida Musaylamatul kaddaab oo Nabinimo sheegtay kaasoo ay ka takhaluseen Ciidankii Sayid Abuu-Bakar RC ee uu hogaaminayay saxaabiga la yiraahdo Sayfullaahi Khaalid Ibnul-Waliid RC waxaana gacantiisu ku dilay Saxaabigii la oran jiray Waxshi Ibnu Xarbi.
SAJAAX BINTUL XAARITH oo ah Haweeney iyana Nabinimo Sheegatay ayaa ka mid ah dadkii ka dhashay qabiilkaasi balse ugu dambeyntii wey ka towba keentay magaalada Basro ayayna ku dhimatay iyadoo Muslimad ah xiligii Sayid Mucaawiye RC waxaana ku tukaday Salada Janaazada Saxaabiga la yiraahdo Samurah Ibnul Jundub oo Madax ka ahaa Magaalada Basrah.
Waxaa sidoo kale qabiilkaasi Ree Banii Tamiim ka dhashay Axmad Ibnu Teymiyah oo isna la yimid afkaar ka gadisan midii ay ku mideysnaayeen Culimadii Muslimiinta taasoo dhalisay in Ibnu Teymiyah xabsiga loo taxaabo ilaa uu markii dambe kaga geeriyooday xabsiga gudihiisa .
Muxamad wuxuu qeyb ka mid ah Fiqhiga Xambaliyada ka aqristay aabihii Sh.Cabdul-Wahaab Ibnu Suleymaan kadibna xajka ayuu aaday isaga oo uga sii gudbay Madiinatul Munawarah halkaas oo uu kula kulmay Al-Callaamah Sheekh Muxamad Xayaat Al-Sindi oo Xanafi ahaa iyo Sheekh Muxammad Ibnu Suleymaan Al-Kurdi oo Shaafici ahaa.
 
Aabihii iyo labadaas Sheekh ee uu wax ka aqristay waxay kala heysteen 3 Mad'hab oo kala duwan, Xambali, Xanafi iyo Shaafici sidaas daraadeedna ma dhicin in Muxamad Ibnu Cabdul-Wahaab uu ku guuleysto in uu si toos ah u fahmo hal Mad'hab taasoo keentay in ay isaga qasmaan masaa'il farabadan ilaa markii dambe uu la coleytamay dhamaan Madaahibta Islaamka uuna jeexday Mad'hab isaga u gooni ah oo uu gacantiisa ku abuuray waxaana buugan gudihiisa inoogu iman doona isaga oo ku tilmaamaya barashada Fiq'higa iney tahay Shirki iyo Alle ka fogaasho, waana taas mida dhalisay in Jamaacadiisa Wahaabiyada ah ay markasta isku qasaan mas'alooyinka diiniga ah lana coleytamanaan Madaahibta Islaamka.
Intaa kadib wuxuu ku soo laabtay magaaladii uu aabihii joogay ee Al-cuyeyna halkaasoo uu kaga tixmay dersigii uu aabihii akhrinayay
 
kadibna wuxuu uga sii gudbay dhanka Ciraaq, oo uu u doontay cilmi barasho wuxuuna magaalada basra kula kulmay culimo uu ka mid ahaa Sheekh Muxamad Al-Majmuuci halkaasoo uu Maxamed Ibnu C/ Wahab ka muujiyay wax yar oo ka mid ah caqiidadiisii takfiir-nimada balse wuxuu cawaaqib-xumo kala kulmay Culimadii iyo Amiirkii magaaladaasi iyagoo iska soo eryay daalacna u raacday Sheekhii uu wax ka baranayay, waxaana maalinkaas u bilowday bog cusub oo musaafurin ah kadib markii meel kasta uu tago la iska weydiiyay " wuxuu soo wado iyo Wabiga yaa weyn? "
--------------------------------------------------------------------------
BILOWGII AFKAARTIISII GURACANEYD
,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,
M.Ibnu C/Wahaab wuxuu bilaabay in uu afkaartiisii guracaneyd banaanka keeno taariikhdu markii ay ahayd 1143-dii Hijriyada balse waxay laba-lixaadsatay 1159-kii Hijriyada iyo wixii ka dambeeyay xiligaas oo ay dagaaladoodii bilaabeen.
GAALEYSIINTII DHAMAAN MUSLIMIINTA
------------------------------------------------------------------
Markii uu Fikirkiisaan cusub bilaabayay ugu horeyn wuxuu gaaleysiiyay naftiisa iyo dhamaan Muslimiintii noolaa xiligiisa wuxuuna aflabadii ku dhawaaqay in dadkii markaas Noolaa ay dhamaantood yihiin MUSHRIKIIN GAALO ah diintii Islaamkana ay dabar go'day lix boqol (600) oo sano ka hor mudadaas wixii ka dambeeyayna aysan jirin wax Muslimiin ah.
Waxaa laga yaabaa inaad istiraahdo Waxaasi waa ka badbadis oo cadowga Sheekha ayaa ku been abuurtay laakiin warkaas oo toos ah wuxuu ku qoranyahay Risaaladii M.Ibnu C/ Wahaab uu u diray Qaaligi Magaalada Darciyah Cabdullaahi Ibnu Ciisaa sidoo kale waxaa soo guuriya Kitaabka (Taariikhu Najdi ) ee uu qoray Xerowgii M.Ibnu C/Wahaab ee la oran jiray Ibnu Ghanaam waana sida tan " Anigu markaas - ay dadka Shiikha ii yaqaanaan - ma aanan garaneyn macnaha LAA'ILAAHA ILLALLAAH mana aqoon diinta Islaamka ka hor kheyrkan ( Wahaabininada) uu Ilaah igu maneystay, Mashaa'ikh-deydana sidaas oo kale ayay ahaayeen, kuma jirin hal sheekh oo gartay arintaas. Hadii mid ka mid ah Culimada CAARID uu sheegto inuu yaqaano Macna LAA'ILAAHA ILLALLAAH ama macana ISLAAMKA waqtigey-gaan ka hor ama uu dhaho mashaa'ikhdeenii hore baa taqaanay Wallee kaasi been buu sheegay . . Naftiisana wax aysan ku sugneyn buu ku amaanay" iminka sow kuuma cada in uu gaaleysiiyay dhamaan Muslimiinta . . ( Caarid 
عارض Waa dhul balaaran oo ay ka mid yihiin Riyaad Cuyeynan Xaa'ir Manfuuxah iyo magaalooyin kale) 
Balse sheekada xiisaha leh ayaa ah qaabkii ay ku bilaabatay afkaartiisan qaloocan bal ila aqri qiso ka mid ah qisooyinkii markii uu siraadka mustaqiimka ah ka leexanayay oo ku qoran Kitaabka wahaabiyadu leedahay oo la Yiraahdo ( CUNWAANUL FII TAARIIKHI NAJDI Juska koowaad Boga 83) waana sida tan: " Markii uu soo gaaray - M.Ibnu C/Wahaab - Basro Wuxuu ag Fariistay Caalim Weyn cilmiga ayuuna ka baranayay. In mudo ah ayuu wax ka aqrisanayay wuxuuna sheekhiisa ku diidi jiray waxyaabo GAALNIMO IYO BIDCO AH WUXUUNA - MUXUMAD IBNU CABDULWAHAAB - ICLAAMIYAY INKIRMAADAAS SHEEKHIISANA WUU WANAAGSADAY HADALKAL M.IBNU CABDUL-WAHAAB TOWXIIDKA AYUUNA SHEEKHIISA U QABTAY WUUNA KU FAA'IDAY " waa war la yaab leh! M.Ibnu C/Wahaab Sheekhii uu cilmiga ka baranayay ayuu gaalnimi iyo bidcooyin ku inkiray kadibn towxiidka ayuu u qabtay sheekhiisii markaas buu sheekhii ku faa'iday towxiidkii cusbaa ee loo qabtay! Waa dhacdadii iigu yaabka badneyd intii aan aqrinYay Taariikhdiisa. . Bal ka waran Adoo Jaahil ah Sheekhaagii cilmiga ku barayay hadii aad tiraahdo hada ayaan Ashaahaadka kuu qabanayaa oo aan ku islaaminayaa !!!
XILIGII LA ISKA SOO MUSAAFIRIYAY 
-------------------------------------------------------------
Intaa kadib - sidii aan Cutubkii koowaad kusoo qaadanayay - dadkii magaalada Basro ayaa ku kacay waqti duhurnimo ah oo ay qoraxda aad u kulashahay ayay magaalada ka soo saareen iyagoo dhibaato daran gaarsiiyay. Wuxuu soo hadaaftamaba markii uu marayay inta u dhexeysa magaalada Basro iyo Magaalada Zubeyr ayaa waxaa qabtay oon aad u daran isagoo ku sigtay inuu u dhinto oonkaas waayo labadiisa lugood ayuu ku socday oo wuu lugeenayay waliba isaga oo cagacad ( aan kabo wadan ) balse waxaa kasoo gaaray nin gaari dameer wata oo la oran Jiray ABUU XUMEYDAAN . . Biyo ayuu siiyay dameerkiisii buuna ku qaaday ilaa uu gaarsiiyay magaalada Al-Zubeyr.
 
Muxamad halkaas ayuu cararkiisii kasii watay isaga oo ku tagay mandiqada Al-Axsaa, taasoo ay sheegeen in uu culimadii halkaas joogtay kula dooday arrimo ku saabsan caqiidada doodaas oo sababtay in markale laga eryo magaalada, wuxuuna u baxsaday dhanka magaalada Xuraymila oo uu waqtigaas aabihii uu ku noolaa.
( La soco darsiga xiga oo ciwaankiisu uu noqon doono : MAXAA KALA QABSADAY M.IBNU CABDUL WAHAAB IYO AABIHII SH.CABDUL-WAHAAB )
W/D : Zakaria Yussuf ( Dr.Kulane )
وليس لنا إلى غير الله حاجة ولا مذهب )





1 comment:

  1. Taariikhda oo dhmaeestiran ayaa u baahanahay iyo kutubta uu alifay maxamed cabdul wahaab iyo suufiya waxay isku hayaan inaa ku sameeyo cilmi baaris ayaan rabaa wax caday ah aad hysaan ila wadaaga

    ReplyDelete