Wednesday, May 31, 2017
Waajibnimada soomka Sh C/qaadir Mucalim Aadam
Tuesday, May 30, 2017
02 faaiidooyinka soomka sh muxamed wali yuusaf axmed
Fadliga bisha Ramadaan Sheikh Maxamuud Cali Guriceel
Monday, May 29, 2017
Axkaamta Ramadaanka Sheikh Abuukar Xasan Maalin
Thursday, May 25, 2017
Taariikhdii madoobayd ee firqada wahaabiyada Sh c/raxmaan mire jimcaale
Wednesday, May 24, 2017
Fadliga Bisha Ramadaan Sh Salaad Cantoob Xasan
Thursday, May 18, 2017
burburka nahaabiyada oo bilawday iyo eedaymo ay warbaahinta isu marinayaan
Taariikh-dii Madoobeyd ee Sh Muxamad Ibnu Cabdul-Wahaab Sh cabdiraxmaan mire jimcaale
yaa dhalay argagixisada umada naafaysay Sh Axmed Mataan
Wednesday, May 17, 2017
Taariikhda asxaabta iyo culimada salafu saalix ee somaliya SOOMAALIYA IYO SALAFU SAALIX
Dhammaan Asaxaabta, Khulafada, Imaamyaalka iyo Culumada aanu soo
sheegnay ee u kala dambeeyey u soo gudbinta iyo ku faafinta Diinta Islaamka ee
Soomaaliya ee ay ugu horreeyeen madaxdii Asxaabta Rasuulka (CSWS)
sida Cusmaan ibnu Cafaan iyo Jacfar ibnu Abii Daalib waxay ku
sugnaayeen qarniyadii barakaysnaa ee Salafu-Saalixa, waxayna noogu soo
gudbiyeen cilmigoodii Imaamyaalkii iyo culumadii ka dambaysey ee uu jiilba jiil
ka dhaxlayey.
Sidaas darteed, dhammaan dhacdooyinkani waxay ummaddeenna
Soomaaliyeed dhaxalsiiyeen 3- arrimood oo qaali ah, oo kala ah:-
· In Soomaaliya diintu soo gaartay ka hor inta aanay diinta qaadan
reer Maka, marka laga reebo Rasuulka (CSWS) iyo Asxaabtii Rasuulka rumeysay, oo
reer Maka aad u dhibayeen tiradooduna yarayd.
· In Soomaaliya diinta ku
qaadatay rabitaankeeda, halka Maka xoog looga furtay (16) lix iyo toban
sano kaddib markii diintu soo gaaray Arlada Soomaliya.
· In Soomaaliya diintu si xoog ah ugu fiday waqtigii Salafu Saalixa,
taasoo dhaxalsiisay in dadka Soomaaliyeed ay ku abtirsadaan Imaamyaal
dhammaantood Salafu-Saalix ah.
sida:-
a) Xagga Mad-habta waxay ku abtirsataa Imaamu Shaafici
b) Xagga Caqiidada Imaam Abul Xasan Al-Ashcari
c) Xagga Qirada Imaam Abuu Camar ibnu Callaa
d) Xagga Tasawufka Imaam Abul Qaasim Al-Juneydi oo dhammaantood ah
Imaamyaal Salafu-Saalix ah.
Haddaba, haddii aan soo koobno Imaamyaalkii iyo Culumaa’uddiinkii
ka imanayey Carabta ee gacanta buuxda ka geystey faafinta diinta Islaamka ee
dalka Soomaaliya waxaa loo kala qaadi karaa:
1. Asxaabtii ka soo haajirtay dhibaatooyinkii Gaalada reer Qureysh ay
Muslimiinta ku hayeen inta aanay Muslimiintu Maka furan.
2. Culammadii wufuudda ahayd ee madaxda Islaamku u dirayeen dalka
Soomaaliya.
3. Culumadii Ducaada ahayd ee iskood isugu xilqaantay nashrinta iyo
faafinta diinta Islaamka.
4. Ganacsatadii culumada ahayd ee isku dhinac weddey ganacsiga iyo
faafinta diinta Islaamka.
5. Culumadii iyo madaxdii ka soo qaxday dagaalladii siyaasadeed ee
xilligaa.
(4) IIMAAM
YAALKII WAX KA QORAY SOOMAALIYA
Imaamyaalkii, Mufasiriintii
Qur’aanka Kariimka, Xufaadii Axaadiista Rasuulka (CSW), Fuqahadii,
Luqawiyiintii, Taariikh- yahannadii, Raxaaliintii (bad-mareennadii iyo
dhul-mareennadii) iyo Caalimiintii wax ka qortay Soomaaliya iyo taariikhdeeda
waxaa ka mid ahaa:
1- Imaam Fayruuz Abaadi oo ku qoray kitaabkiisa Qaamuusul-Muxiid
2- Xaafid Al-Zubeydi oo ku qoray kitaabka uu ku sharxay
Qaamuusul-Muxiidka ee Taajul Curuus
3- Imaam Yaaquut Al-Xamawi oo ku qoray kitaabkiisa Mucjamul Buldaan.
4- Imaam Al-Maqriisi kitaabkiisa Al-Imaam
Biman Fii Ardil Xabasha
5- Imaam Abul Cabbaas Al-Qal-Qashandi kitaabkiisa Subxul Acshaa
6- Ibnu Baduuda kitaabkiisa Tuxfatul
Nadaar fii Garaa’ibil Amsaar
7- Al-Imaam Shahaabuddiin Axmed Ibnu Cabdilqaadir oo loo yaqaan
(Carab Faqiih) kitaabkiisaFutuuxul-Xabasha.
8- Imaam Muxamad Al-Dayib Ibnu Cabdullaahi kitaabkiisa Qalaadatu-Naxri fii- Wafiiyaati Acyaani-Dahri.
9- Xaaji Khaliifa kitaabkiisa Kashfu-dunuun.
10 Cumar Ridaa Kuxaalah Kitaabkiisa Mucjamul-Mu’alifiin
11 Xaafidu Suyuudi kitaabkiisa Xusnul-
muxaadarah iyo al-lubaab
12 Ibnu –Kamaal baashaa kitaabkiisa Dabaqaatul-xanafiyah
13 Xaafidul-cayni kitaabkiisa Al-sayful-
Muhannad
14 Sh. Abu-Cabdulaahi Al-dabbakhi Kitaabka Muhadabka Rixlatu Ibnu Baduudah
15 Sh. Axmed Zayn Al-xabashi kitaabkiisa Sharxul-cayniyah
16 Al-Qaadii C/raxmaan Ibnu Muxamad Ibnu Xuseen Al-calawii
kitaabkiisa Shamsu-Dahiirah
17 Al-sayid Imaam Muxammad Ibnu
Abuubakar A-shaliyi baa Calawi kitaabkiisa Al-mashruucu-
rawii fii manaaqibi – saadaatil-kiraami-aala-baa calawii.
18 Iyo Xaafidul-Casqalaanii
Kitaabkiisa Al-durarul-kaaminah
fii acyaanil miati-saaminah.
19 Al-imaam shamsu-shumuus
Muxyaddiin Cabdulqaadir ibnu Sheekh Cabdillaahi Al-caydaruusi. kitaabkiisa Annuuru-saafir
Tuesday, May 16, 2017
muxaadaro cusub fitanta khawaarijta sh shariif maxamuud shariif cali
Saturday, May 13, 2017
TAARIIKHDA ISLAAMKA SOMALIYA IYO TAARIIKHDA CULIMADA AHLUSUNNA WAL-JAMAACA EE SOMALIYA WAXAAd diyariyay shiikh c/rasaaq yuusuf aadan
SOOMAALIYA IYO TAARIIKHDII ISLAAAMKU SOO
GAARAY.
Dalka Soomaaliya waxaa lagu tiriyaa waddamada xagga taariikhda ugu faca
weyn adduunka. Waxaa ku nool dad lagu qiyaaso 15 milyan, waxayna inta xorta ah
dhan tahay 683.000 kiiloomiter laba jibbaaran. Dalka Soomaaliya wuxuu ku
yaallaa Qorrax ka soo baxa Geeska Afrikada Bari.
Soomaaliya waa dad diinta Islaamka ku leh
taariikh iyo xadaarad fac weyn, waana waddankii ugu horreeyey ee diinta
Islaamku soo gaartay shan sano oo keliya markii laga joogay soo bixitaankii
Rasuulka (CSWS). Waqtigaas wuxuu ku aadan yahay siddeed sano ka hor Hijradii
Rasuulka (CSWS) ee Madiina, bishii Rajab taariikhda Miilaadiyadu markay
ahayd 615.
Waxaa Asxaabtii u horreysay ee
Soomaaliya diinta soo gaarsiiyey hoggaaminayey Khaliifkii 3-aad ee Islaamka
Al-Sayid Cusmaan Ibnu Cafaan (RC.) Sayid Cusmaan waxaa safarkiisaas qaaliga ah
ku wehliyey Asxaab ka kooban 10 rag ah iyo 5 haween ah oo ay ka mid ahayd
haweenaydiisii Ruqiya oo ahayd gabadhii uu dhalay Rasuulkeenna Suuban Muxammed
(CSWS).
Safarkaas nuurka badan ee Sayid Cusmaan
hoggaaminayey waxaa la xariirey safarkii labaad ee Hijratul Xabasha oo uu
hoggaaminayey Al-Sayid Jacfar ibnu abii Daalib (RC) oo ahaa Rasuulka (CSW) ina
adeerkii Sayid Jacfar waxaa safarka ku wehliyey Asxaab ka kooban 83 rag iyo 18
haween ah. Labadaas safar ee barakeysani waxay ka soo tilaabeen xeebaha waqooyi
ee Soomaaliya.
Sida ay qoreen kitaabbada muctamadka ah ee
taariikhda iyo siirada diinta Islaamka Asxaabtii waqtigaas waddankeenna timid
waxay gaarayeen tiradooda (116) boqol toban iyo lix Saxaabi oo isugu jira rag
iyo haween. Waxaa Asaxaabtii ugu caansanayd ka mid ahaa:-
1- Cuthmaan ibnu Cafaan oo ah khaliifkii 3-aad ee
Islaamka.
2- Sowjaddiisii Ruqiya binti Rasuulillaah oo ah
gabadhii uu dhalay Rasuulka (CSW).
3- Ummu Salama oo hijrada kaddib noqotay
Sawjaddii Rasuulka (CSWS)
4- Umu Xabiiba Binti Abii Sufyaan oo ayana
hijradii kaddib noqotay Sawjadii Rasuulka.
5- Jacfar Bin Abii Daalib oo ah Nebiga ina
adeerkii.
6- Cabduraxmaan Ibnu Cawf oo ka mid ah 10-kii
Jannada loogu bishaareeyey ee Casharatul-Mubashariin.
7- Subeeyr Ibnu Cawaam oo isna ka mida ah 10-kii
janada loogu bishaareeyey ee Casharatul-Mubashariin.
8- C/llaahi Ibnu Mascuud oo ka mid ah
Cabaadaladii Asxaabtii Rasuulka (CSWS).
9- Abuu Muusal Ashacari oo ka mid ahaa
Caalimiintii ugu waa weynayd Asxaabta Rasuulka (CSWS).
10- Cusmaan
ibnu Madcuun oo ahaa walaalkii Rasuulka (CSWS) ee xaga nuugmada.
11- C/llaahi
ibnu Jaxshi
12- Maqdaad
ibnu Aswad
13- iyo
Muscab ibnu Cumayr oo ahaa safiirkii ugu horreeyey Islaamka ee Madiina
loo diray.
Waxaa
iyana in la fahmo mudan, in Hijriyooyinkaa aanu soo sheegnay ee loo yaqaan
Hijriyadii 1aad iyo tii 2aad ee Xabasha aanay ku koobnayn waddanka hadda
loo yaqaan Itoobiya. Waxaa marqaati iyo caddeynba ku filan in hadda iyo
waqtigaas aanay Itoobiya lahayn wax bad ah. Taasi waxay caddeynaysaa in
Asxaabtu markii ay u sii socdeen Boqorkii Xabashida ee Najaashi ay u sii
mareen dalka iyo dadka Soomaaliya. Waxaa kaloo iyana jirta in waqtiyadaas dalka
Xabasha loo yiqiinay dhulka hadda la isku yiraah Iriteriya, Itoobiya,
Soomaaliya iyo xattaa qofka modow. Raadka Hijrooyinkaas waa mid weli ka
muuqanaya Soomaaliya, oo illaa iyo hadda boqolkiiba boqol Muslim ah.
Friday, May 12, 2017
dooro saaxiib wanaagsan sh yaasiin muxamed cabdi
Taqsiimu Tawxiid lama ogola sh shariif maxamuud shariif cali
sh shariif maxamuud shariif cali oo ka mid ah culimada soomaaliyeed ayaa kitaabka iyo sunnada ku burburiyay caqiidada wahaabiyada ama Talafiyada ka daawo SAMAWADE TV
maxaa laga dhaxlaa bawsiga iyo akhris la aanta diinta islaamka sh khaalid mucalim nuur mire
Thursday, May 11, 2017
Sixiroolayaasha in loo tago maxay diinta islaamku ka qabtaa sheikh maxamuud guriceel
muxaadaro ku saabsan adoonnimada sh cali nuur
Wednesday, May 10, 2017
Toosinta dariiqada Dr Abuukar Xasan Maalin
suaalo iyo jawaabo cusub sh cumar xaaji axmed sagal
ku soo dhawaada suaalo iyo jawaabo aad u qiima badan waxaana ka jawaabaya sh cumar xaaji axmed sagal oo ka mid ah culimada ahlusunna waljamaaca kuwa ugu caansan ka daawo SAMAWADE TV
Wednesday, May 3, 2017
Tuesday, May 2, 2017
LA TALIN DR,XIRSI AW MUXAMED
(Dip., B.A, M.A, Ph.D in Islamic Studies)
Takhasuska: Usul ad-Diin (al-Aqidah)
(Khibrad: 20 sano ayuu macallin iyo muxaadir ka ahaa
jaamicadaha iyo macaa-hidda iyo iskuullada,
Somalia, Jordan, Malaysia, Brunei iyo Australia).
(Mufti: Mac-hadka fatwada ee jaamicadda Islaamka ee Malaysia 2002-2004).
(Hadda wuxuu ka shaqeeyaa: Daarul fatwa- Australia).
Taariikh-dii Madoobeyd ee Sh.Muxamad Ibnu Cabdul-Wahaab . Aasaasaha fikrada Wahaab
--------------------------------------------------------------------------
بسم الله الرحمن الرحيم * الحمد لله رب العالمين .
(1)WAA KUMA MUXAMAD.IBNU C/WAHAAB
Muxammad Ibnu Cabdul-Wahaab Ibnu Suleymaan Al-Tamiimi wuxuu ku dhashay magaalada Cuyeynah oo ah meel ku dhow magaalada Riyaad ee caasimada dalkaasi Sacuudi Carabiya taariikhdu markii ay ahayd 1115-tii Hijriyada sida ku qoran (CUNWAANUL MAJDI FII TAARIIKHI NAJDI) iyo kutubta kale ee Wahaabiyada.
Balse kitaab-ka la yiraahdo ( Al-Durarul- Saniyah Fil- Raddi Calal Wahaabiyah ) oo uu qoray Caalimkii weynaa ee la oran jiray Sheekh Axmad Ibnul Sayid Zeynii Daxlaani ayaa waxaa ku taala in uu dhashay taariikhdu markii ay ku beegneyd 1111-dii hijriyada wuxuuna noolaaday cumri dheer ilaa uu ka gaaray 92 sano ugu dambeyn-na wuxuu ku dhintay isla magaalada Cuyeynah sanadku markuu ahaa 1206-dii hijriyada waxaana dhimashadiisii iminka laga joogaa 232 sano oo kaliya.
Muxamad wuxuu ka dhashay qabiilka Ree banii Tamiim oo ah qabiil ay ka dhasheen rag badan oo khatar galiyay diinta Islaamka sida Musaylamatul kaddaab oo Nabinimo sheegtay kaasoo ay ka takhaluseen Ciidankii Sayid Abuu-Bakar RC ee uu hogaaminayay saxaabiga la yiraahdo Sayfullaahi Khaalid Ibnul-Waliid RC waxaana gacantiisu ku dilay Saxaabigii la oran jiray Waxshi Ibnu Xarbi.
SAJAAX BINTUL XAARITH oo ah Haweeney iyana Nabinimo Sheegatay ayaa ka mid ah dadkii ka dhashay qabiilkaasi balse ugu dambeyntii wey ka towba keentay magaalada Basro ayayna ku dhimatay iyadoo Muslimad ah xiligii Sayid Mucaawiye RC waxaana ku tukaday Salada Janaazada Saxaabiga la yiraahdo Samurah Ibnul Jundub oo Madax ka ahaa Magaalada Basrah.
Waxaa sidoo kale qabiilkaasi Ree Banii Tamiim ka dhashay Axmad Ibnu Teymiyah oo isna la yimid afkaar ka gadisan midii ay ku mideysnaayeen Culimadii Muslimiinta taasoo dhalisay in Ibnu Teymiyah xabsiga loo taxaabo ilaa uu markii dambe kaga geeriyooday xabsiga gudihiisa .
Muxamad wuxuu qeyb ka mid ah Fiqhiga Xambaliyada ka aqristay aabihii Sh.Cabdul-Wahaab Ibnu Suleymaan kadibna xajka ayuu aaday isaga oo uga sii gudbay Madiinatul Munawarah halkaas oo uu kula kulmay Al-Callaamah Sheekh Muxamad Xayaat Al-Sindi oo Xanafi ahaa iyo Sheekh Muxammad Ibnu Suleymaan Al-Kurdi oo Shaafici ahaa.
Aabihii iyo labadaas Sheekh ee uu wax ka aqristay waxay kala heysteen 3 Mad'hab oo kala duwan, Xambali, Xanafi iyo Shaafici sidaas daraadeedna ma dhicin in Muxamad Ibnu Cabdul-Wahaab uu ku guuleysto in uu si toos ah u fahmo hal Mad'hab taasoo keentay in ay isaga qasmaan masaa'il farabadan ilaa markii dambe uu la coleytamay dhamaan Madaahibta Islaamka uuna jeexday Mad'hab isaga u gooni ah oo uu gacantiisa ku abuuray waxaana buugan gudihiisa inoogu iman doona isaga oo ku tilmaamaya barashada Fiq'higa iney tahay Shirki iyo Alle ka fogaasho, waana taas mida dhalisay in Jamaacadiisa Wahaabiyada ah ay markasta isku qasaan mas'alooyinka diiniga ah lana coleytamanaan Madaahibta Islaamka.
Intaa kadib wuxuu ku soo laabtay magaaladii uu aabihii joogay ee Al-cuyeyna halkaasoo uu kaga tixmay dersigii uu aabihii akhrinayay
kadibna wuxuu uga sii gudbay dhanka Ciraaq, oo uu u doontay cilmi barasho wuxuuna magaalada basra kula kulmay culimo uu ka mid ahaa Sheekh Muxamad Al-Majmuuci halkaasoo uu Maxamed Ibnu C/ Wahab ka muujiyay wax yar oo ka mid ah caqiidadiisii takfiir-nimada balse wuxuu cawaaqib-xumo kala kulmay Culimadii iyo Amiirkii magaaladaasi iyagoo iska soo eryay daalacna u raacday Sheekhii uu wax ka baranayay, waxaana maalinkaas u bilowday bog cusub oo musaafurin ah kadib markii meel kasta uu tago la iska weydiiyay " wuxuu soo wado iyo Wabiga yaa weyn? "

BILOWGII AFKAARTIISII GURACANEYD
,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,
M.Ibnu C/Wahaab wuxuu bilaabay in uu afkaartiisii guracaneyd banaanka keeno taariikhdu markii ay ahayd 1143-dii Hijriyada balse waxay laba-lixaadsatay 1159-kii Hijriyada iyo wixii ka dambeeyay xiligaas oo ay dagaaladoodii bilaabeen.

GAALEYSIINTII DHAMAAN MUSLIMIINTA
------------------------------------------------------------------
Markii uu Fikirkiisaan cusub bilaabayay ugu horeyn wuxuu gaaleysiiyay naftiisa iyo dhamaan Muslimiintii noolaa xiligiisa wuxuuna aflabadii ku dhawaaqay in dadkii markaas Noolaa ay dhamaantood yihiin MUSHRIKIIN GAALO ah diintii Islaamkana ay dabar go'day lix boqol (600) oo sano ka hor mudadaas wixii ka dambeeyayna aysan jirin wax Muslimiin ah.
Waxaa laga yaabaa inaad istiraahdo Waxaasi waa ka badbadis oo cadowga Sheekha ayaa ku been abuurtay laakiin warkaas oo toos ah wuxuu ku qoranyahay Risaaladii M.Ibnu C/ Wahaab uu u diray Qaaligi Magaalada Darciyah Cabdullaahi Ibnu Ciisaa sidoo kale waxaa soo guuriya Kitaabka (Taariikhu Najdi ) ee uu qoray Xerowgii M.Ibnu C/Wahaab ee la oran jiray Ibnu Ghanaam waana sida tan " Anigu markaas - ay dadka Shiikha ii yaqaanaan - ma aanan garaneyn macnaha LAA'ILAAHA ILLALLAAH mana aqoon diinta Islaamka ka hor kheyrkan ( Wahaabininada) uu Ilaah igu maneystay, Mashaa'ikh-deydana sidaas oo kale ayay ahaayeen, kuma jirin hal sheekh oo gartay arintaas. Hadii mid ka mid ah Culimada CAARID uu sheegto inuu yaqaano Macna LAA'ILAAHA ILLALLAAH ama macana ISLAAMKA waqtigey-gaan ka hor ama uu dhaho mashaa'ikhdeenii hore baa taqaanay Wallee kaasi been buu sheegay . . Naftiisana wax aysan ku sugneyn buu ku amaanay" iminka sow kuuma cada in uu gaaleysiiyay dhamaan Muslimiinta . . ( Caarid عارض Waa dhul balaaran oo ay ka mid yihiin Riyaad Cuyeynan Xaa'ir Manfuuxah iyo magaalooyin kale)
Balse sheekada xiisaha leh ayaa ah qaabkii ay ku bilaabatay afkaartiisan qaloocan bal ila aqri qiso ka mid ah qisooyinkii markii uu siraadka mustaqiimka ah ka leexanayay oo ku qoran Kitaabka wahaabiyadu leedahay oo la Yiraahdo ( CUNWAANUL FII TAARIIKHI NAJDI Juska koowaad Boga 83) waana sida tan: " Markii uu soo gaaray - M.Ibnu C/Wahaab - Basro Wuxuu ag Fariistay Caalim Weyn cilmiga ayuuna ka baranayay. In mudo ah ayuu wax ka aqrisanayay wuxuuna sheekhiisa ku diidi jiray waxyaabo GAALNIMO IYO BIDCO AH WUXUUNA - MUXUMAD IBNU CABDULWAHAAB - ICLAAMIYAY INKIRMAADAAS SHEEKHIISANA WUU WANAAGSADAY HADALKAL M.IBNU CABDUL-WAHAAB TOWXIIDKA AYUUNA SHEEKHIISA U QABTAY WUUNA KU FAA'IDAY " waa war la yaab leh! M.Ibnu C/Wahaab Sheekhii uu cilmiga ka baranayay ayuu gaalnimi iyo bidcooyin ku inkiray kadibn towxiidka ayuu u qabtay sheekhiisii markaas buu sheekhii ku faa'iday towxiidkii cusbaa ee loo qabtay! Waa dhacdadii iigu yaabka badneyd intii aan aqrinYay Taariikhdiisa. . Bal ka waran Adoo Jaahil ah Sheekhaagii cilmiga ku barayay hadii aad tiraahdo hada ayaan Ashaahaadka kuu qabanayaa oo aan ku islaaminayaa !!!

XILIGII LA ISKA SOO MUSAAFIRIYAY
-------------------------------------------------------------
Intaa kadib - sidii aan Cutubkii koowaad kusoo qaadanayay - dadkii magaalada Basro ayaa ku kacay waqti duhurnimo ah oo ay qoraxda aad u kulashahay ayay magaalada ka soo saareen iyagoo dhibaato daran gaarsiiyay. Wuxuu soo hadaaftamaba markii uu marayay inta u dhexeysa magaalada Basro iyo Magaalada Zubeyr ayaa waxaa qabtay oon aad u daran isagoo ku sigtay inuu u dhinto oonkaas waayo labadiisa lugood ayuu ku socday oo wuu lugeenayay waliba isaga oo cagacad ( aan kabo wadan ) balse waxaa kasoo gaaray nin gaari dameer wata oo la oran Jiray ABUU XUMEYDAAN . . Biyo ayuu siiyay dameerkiisii buuna ku qaaday ilaa uu gaarsiiyay magaalada Al-Zubeyr.
Muxamad halkaas ayuu cararkiisii kasii watay isaga oo ku tagay mandiqada Al-Axsaa, taasoo ay sheegeen in uu culimadii halkaas joogtay kula dooday arrimo ku saabsan caqiidada doodaas oo sababtay in markale laga eryo magaalada, wuxuuna u baxsaday dhanka magaalada Xuraymila oo uu waqtigaas aabihii uu ku noolaa.

( La soco darsiga xiga oo ciwaankiisu uu noqon doono : MAXAA KALA QABSADAY M.IBNU CABDUL WAHAAB IYO AABIHII SH.CABDUL-WAHAAB )
W/D : Zakaria Yussuf ( Dr.Kulane )
( وليس لنا إلى غير الله حاجة ولا مذهب )
Subscribe to:
Posts (Atom)